Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo liiska cunaqabateynta ku dartay xubno ka tirsan Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo liiska cunaqabateynta ku dartay xubno ka tirsan Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo saddex horjooge oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan Talaadadii ka soo baxay golahaasi.

War saxaafadeed ayaa lagu sheegay in saddexda horjooge lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Bayaanku waxa uu intaa ku daray in kuwa la cunaqabateeyey loo diidi doono in ay helaan lacag, isla markaana lagu soo rogi doono  xayiraad dhanka socdaalka ah.

Ergada Joogtada ah ee Ingiriiska u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii sheegay in go’aankan uu yimid kadib codsiyo uga yimid Soomaaliya.

“Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan, oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waana in lala xisaabtamo,” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

Sadexda nin ee lagu daray liiska cunaqabateynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kala ah:-

1-Abdukadir Mohamed Abdukadir  oo ka mid ah horjooge sare oo Al-Shabaab ah.

2- Mohamed  Mire oo khawaarijta u qaabilsan ururinta waxa ay ugu yeereen Zakada;

3- Mohamed  Cumar Mohamed  oo ah horjooge kooxda Al-Shabaab u qaabilsan Diinsoor

Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay talada dalka ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay  in dagaal adag lala galo kooxaha khawaarijta,isla markaana laga ciribtiro gudaha dalka Soomaaliya, taasi oo keentay in magaalooyin badan laga ciribtiro khawaarijta.

Previous Post

Xujey Soomaaliyeed oo loo qaaday magaalada Makah ee Boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Golaha Wasiirrada oo meelmariyey sharciyo muhiim u ah dalkeenna

Next Post
Golaha Wasiirrada oo meelmariyey sharciyo muhiim u ah dalkeenna

Golaha Wasiirrada oo meelmariyey sharciyo muhiim u ah dalkeenna

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In