Qaramada midoobay ayaa soo dhaweysay in Mareykanka soo celiyo wada-shaqeyntii kala dhexeysay Ururka Caafimaadka Adduunka.
Xog-hayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweyay go’aanka madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka ku saxiixay wada-shaqeynta kala dhaxeysa Ha’adda caafimaadka adduunka.
Bayaan uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in taageerada la siinayo ururka caafimaadka aduunka ay muhiimad weyn u leedahay dadaalada caalamiga ah ee wax looga qabanaayo cudurka faafa ee COVID 19.
Sidookale waxaa lagu sheegay inla gaaray waqtigii si wada jir ah loo shaqayn lahaa si loo joojiyo faafidda Karoona Fayras.
Madaxaxwaynaha cusub ee Marayakanka Joe Biden ayaa saxiixay go’aankaan maalintii ugu horeysay ee uu xafiiska la wareegay,go’aankaan dib dowladda Maraykanka ugu soo celineyso xirirrikii wada shaqaynta ahaa ee kala dhaxeeyay ururuka caafimaadka adduunka.