Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, 39 kalena waay ku dhaawacmeen, kadib Qarax lala beegsaday kaniisad ku taal Waqooyiga Kivu ee bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay sheegeen sarakiisha ciidamad.
Anthony Mwalushaye, oo ah Afhayeenka ciidamada Congo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Qaraxan uu ahaa fal ay argagixisadu la beegsadeen kaniisad ku taalla magaalada Kasendi ee dhacda xuduudka ay wadagaan Uganda iyo Congo, isaga oo xaqiijiyay in weerarkaasi 10 qof lagu dilay, 39 kalana lagu dhaawacay.
Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku daray in weerarkan loo soo xiray dad Ajaanib ah oo lagu tuhunsanyahay inay ku lug lahaayeen Qaraxa.
War ay soo sareen Kooxda argagisada Daacish ayaay ku sheegateen mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday kaniisadda.
Madaxtooyada Congo iyo howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, ayaa si wada jir ah u cambaareysay weerarka, sidokale Safaaradda Faransiiska ayaa Twitter-keeda ku sheegtay inay aad uga xunyahiin sida ay wax u dhaceen.
Tan iyo sanadkii 2021-kii, howlgal militari ee ay iska kaashanayaan ciidamada Congo iyo kuwa Uganda ayaa bilaabay inay bartilmaameedsadaan maleeshiyaadka Daacish iyo kuwa Allied Democratic Forces ee ku sugan qeybo ka mid ah dhulka Congo, balse weerarada ayaa sii kordhay intii uu socday howlgalka.