Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa fashiliyay gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen kooxaha argagaxisada ee Al-shabaab, kaasoo ay doonayeen in ay gudaha ula galaan xarunta taliska Guud ee ciidanka Asluubta ee KM7.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf, oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Argagaxisada ayuu ujeedkooda ahaa in gaariga Qaraxa siday ay gudaha u galiyaan Xarunta Taliska, balse feejignaan ay muujiyeen Ciidamada ayaa u suura galin waysay sida ay xaqiijiyeen Sarakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.