Tuesday, August 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Suxufiyiin u dhashay dalka Spain oo lagu dilay Burkina Fasa

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Suxufiyiin u dhashay dalka Spain oo lagu dilay Burkina Fasa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labo Saxafi oo u dhashay dalka Spain iyo Nin u dhashay dalka Ireland oo u ololeeya Duur-joogta ayaa xalay lagu dilay weerar ka dhacay Bariga dalka Burkina Fasa.

Suxufiyiintan  ayaa la sheegay in  Koox hubeysan ay qafaasheen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Ciidamada Ammaanka ee dalkaasi.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026

Labada Saxufi ee lagu dilay dalka Burkina Faso ayaa lagu kala magacaabi jirey David Beriain iyo Roberto Fraile, kuwaa oo xilliga la dilayay ku hawlanaa duubista  Filim Dukumentari ah oo ku saabsan qaabka ay Maamulayaasha dalka Burkina Faso uga hortagaan Ganacsiga Foolka Maroodiga.

Dableyda weerarka geysatay ayaa la sheegay inay wateen 2 gari oo nooca dusha ka furan ah iyo Tobaneeyo mooto.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Spain, Arancha Gonzalez Laya aya waxay xaqiijisay in maydadka laga helay dalka Burkina Faso ay ahaayeen Suxufiyiintii Spanishka, kuwaa  oo la la’aa tan iyo Isniintii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Dowladda Ireland waxay sheegtay inay ka war hayaan in qof u dhashay Ireland lagu dilay weerarkaasi, isla markaana ay La-hawlgalayaasha Caalamiga si dhow kala shaqeynayaan arrintaasi.

Weerarkaasi waxaa kaloo lagu dhaawacay 2 Askari, kuwaasi oo lagu daaweeyey Isbitaalka Milliteriga ee ku yaalla caasimadda dalka Burkina Faso ee Ouagadougou.

Previous Post

Qarxa lala damacsanaa taliska Asluubta oo la fashiliyay

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha X.F.S oo ku baaqay in dadkii barakacay ay dib u soo laabtaan

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha X.F.S oo ku baaqay in dadkii barakacay ay dib u soo laabtaan

Ra’iisul Wasaaraha X.F.S oo ku baaqay in dadkii barakacay ay dib u soo laabtaan

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
0

Bandiiradleey, Agoosto 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 17 Agoosto 2026: - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

August 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macalin...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

August 17, 2026
0

Galinsoor, Agoosto, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In