Xulka Qatar ayaa markii 2-aad oo xiriir ah ku guuleystay koobka Qarammada Qaarada Aasiya kaddib markii ay 3-1 kaga adkaadeen dhigooda Jordan. Weerar yahanka Qatar ee Akram Afif, ayaa dhaliyay gool ku laad, wuxuuna ahaa goolkiisii lixaad, waxayna kulan ciyaarta ka dhacday garoonka Lusail Stadium.
Goolhayaha Qatar ee Meshaal Barsham ayaa dhowr badbaadin oo muhiim ah sameeyay daqiiqadihii furitaanka ee qeybta labaad si uu u fashiliyo dadaalkii Jordan uu ku doonayay inuu ku barbareeyo, Laakin dadaalkii uu sameeyay, weeraryahanka reer Urdun Yazan Al-Naimat ayaa kubad adag oo lugta bidix ka helay xerada ganaaxa Qatar ku dhammaatay daqiiqadii 67aad.
6 daqiiqo oo kaliya kadib Afif ayaa gool kale u dhaliyay Qatar kadib markii uu rigoore kale dhaliyay, wuxuuna mar kale hogaanka u dhiibay Qatar.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii dambe ee ciyaarta daqiiqadii 95 aad Qatar ayaa mar kale heshay gool ku laad waxaana u dhaliyay Afif, ayaana dhamaystiray saddexleydiisii finalka. Akram Afif ayaa noqday gool dhaliyaha ugu sarreeya tartanka, isagoo dhaliyay sideed gool.
Qatar ayaa tartankan ku soo laabatay final-kii labaad, halka Urdun ay guul-darraysatay finalkoodii ugu horreeyay.