Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya ku nool oo deeq la gaarsiiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya ku nool oo deeq la gaarsiiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta deeq isug jirta raashin iyo makiinadda lagu shiido raashinka gaarsiiyay qaxootiga Yemen ee degan dhismaha Safaaradda Yemen ay ku leedahay dalka, isagoo ku wareejiyay danjiraha Yemen ee Soomaaliya Danjire Maxamed Shaa’id.

Wasiir ku-xigeenka oo uu wehliyo Safiirka ayaa waxa uu ku soo wareegay oo uu soo indha indheeyay kaamka, isagoo la kulmay carruur xanuunsan oo uu amray in la geeyo isbitaalka, waxaana sidoo kale uu sheegay in uu ku arkay halkaa xaalad murugo leh dhibaato badana ay haysato qaxootigaas.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Hooyo ka mid ah qaxootiga reer Yemen ayaa tiri “Qabowga iyo qoraxda ayaa nagu dhacaya ma haysano wax aan ku noolaano carruurta caano aan siino ma hayno, raashin aan karsano ma haysano, caafimaad ma jiro, waxbarasho ma jirto, biyo macaan malahan, waa dhibanahay dowladda Soomaaliya hana caawiso”

Safiirka dowladda Yemen ee Soomaaliya Danjire Maxamed Shaa’if Cismaan oo ka hadlay deeqda uu Wasiirku gaarsiiyay qaxootiga ayaa sheegay in aysan ahayn mid ku filan, loona baahan yahay in si dhab ah loogu soo gurmado qaxootigaaas, waxaa kale oo uu dowladda Soomaaliya waydiistay in qaxootiga laga raro safaarada oo goob kale la dajiyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdicasiis Saalax Cismaan oo gaba gabadii ka hadlay halkaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ugu jirto in la caawiyo qaxootiga Yemen oo xaalad adag ku nool, waxaana uu sidaas oo kale ka codsaday bulshada in gacan la geysto caawinta dadkaas.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Dibad bax ka dhan ah weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho

Next Post
Dibad bax ka dhan ah weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In