Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaxootiga Soomaaliyeed Oo Loogu Yaboohay Malaayiin Dolar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Qaxooti Dowladda ka  Codsanaya in la Caawiyo+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Brussels waxaa lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayo ururinta kaalmo dhaqaale oo ujeedada laga lee yahay ay tahay sidii dawladaha caalamku ay gacan uga gaysan lahaayeen dhaqaalaha laf-dhabarta u ah dib-u-celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dariska la ah Soomaaliya , gaar ahaan kuwa iskood u doonaya in ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo.

Shirkan waxaa ka qeyb galay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha wasiiradda iyo sidii kaloo wakiilo ka socda UNHCR, Qaramada Midoobay, Midowga Yururb, AU, IGAD iyo madax ka socota dalalka Kenya, Ethiopia iyo Uganda.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ka hadlaya natiijada shirka, waxaana ka mid ah in waddamada deeq bixiyaasha iyo QM ay si dhab ugu gurmadaan dadka qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska sidda Kenya, Jabuuti iyo Yemen.

Waxaa kaloo warmurtiyeedka mid ah in dhaqaalaha lagu yaboobay shirka in si degdeg ah loo bixiyo si loogu fuliyo mashaariic ay ka mid yihiin waddooyin loo dhisaayo qaxootiga Soomaalida ee ku nool waqooyiga galbeed ee Soomaaliya.

Dhaqaalaha lagu yaboohay shirka waxaa ka badan tahay 100 Milyan oo dollar in kastoo waddamada qaar ee ka qeybgalay shirka ay sheegeen in dib ay ugu biiri doonaan yabooha loo fidinaayo qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska.

Waxaa kaloo shirka aad looga hadlay siddii fursado loogu abuuri lahaa qaxootiga Soomaalida ee doonaya in ay dib dalka ugu soo laabtaan.

Waxaana dhammaan dhinacyada ka qeybgalay ay hoosta ka xariiqeen in waddamada la mid ah Soomaaliya ee hadda ka kabanaya dagaallada in ay Soomaaliya ugu wanaagsan tahay.

 

 

Previous Post

Wargelin:-Dowladda Oo Tartan U Qabaneysa Ganacsatada Daneyneysa In Ay Maalgashtaan Hotel Curubo

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In