Sunday, July 3, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaxootiga Soomaaliyeed Oo Loogu Yaboohay Malaayiin Dolar

October 22, 2015
in Wararka
0
Qaxooti Dowladda ka  Codsanaya in la Caawiyo+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Brussels waxaa lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayo ururinta kaalmo dhaqaale oo ujeedada laga lee yahay ay tahay sidii dawladaha caalamku ay gacan uga gaysan lahaayeen dhaqaalaha laf-dhabarta u ah dib-u-celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dariska la ah Soomaaliya , gaar ahaan kuwa iskood u doonaya in ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo.

Shirkan waxaa ka qeyb galay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha wasiiradda iyo sidii kaloo wakiilo ka socda UNHCR, Qaramada Midoobay, Midowga Yururb, AU, IGAD iyo madax ka socota dalalka Kenya, Ethiopia iyo Uganda.

Related posts

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ka hadlaya natiijada shirka, waxaana ka mid ah in waddamada deeq bixiyaasha iyo QM ay si dhab ugu gurmadaan dadka qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska sidda Kenya, Jabuuti iyo Yemen.

Waxaa kaloo warmurtiyeedka mid ah in dhaqaalaha lagu yaboobay shirka in si degdeg ah loo bixiyo si loogu fuliyo mashaariic ay ka mid yihiin waddooyin loo dhisaayo qaxootiga Soomaalida ee ku nool waqooyiga galbeed ee Soomaaliya.

Dhaqaalaha lagu yaboohay shirka waxaa ka badan tahay 100 Milyan oo dollar in kastoo waddamada qaar ee ka qeybgalay shirka ay sheegeen in dib ay ugu biiri doonaan yabooha loo fidinaayo qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska.

Waxaa kaloo shirka aad looga hadlay siddii fursado loogu abuuri lahaa qaxootiga Soomaalida ee doonaya in ay dib dalka ugu soo laabtaan.

Waxaana dhammaan dhinacyada ka qeybgalay ay hoosta ka xariiqeen in waddamada la mid ah Soomaaliya ee hadda ka kabanaya dagaallada in ay Soomaaliya ugu wanaagsan tahay.

 

 

Previous Post

Wargelin:-Dowladda Oo Tartan U Qabaneysa Ganacsatada Daneyneysa In Ay Maalgashtaan Hotel Curubo

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida...

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

July 2, 2022
0

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan hayay. Maxamed Xasan...

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

July 2, 2022
0

Waxaa maanta Dugsiga Maareynta iyo Maamulka Guud (School of Management and Public Administration) ee Jaamacadda Ummadda si habsami leh ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In