Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaxooti Yamaniyiin ah oo deeq raashiin ah la gaarsiiyay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Qaxooti Yamaniyiin ah oo deeq raashiin ah la gaarsiiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqdan raashiinka ah oo uu gudiga samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed uu u qeybiyay dadka  Yamaniyiinta ah ee ka soo qaxay dalkooda ayaa  waxa  ay ka timid  hey’adda Islamic relief oo kamid ah hey’adaha samafalka ee ka howlgala dalka, waxa ayna ka koobneed  Bur, Bariis, Saliid, Sonkor, Caano, Boorash  iyo Tirmir kaaso  oo looga  qeybiyay  konton qoys  oo ah dadka yamaniyiinta ah oo ku nool degmada Shibis ee  gobolka Banaadir.

Qaar ak mid ah dadkii maanta ka faa’ideystay deeqadan ayaa ka  mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen  gudiga  samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed  iyo hay’ada  Islamic relief.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Xoghayaha gudiga badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed  Dr Sakariye Maxamed Axmed [Hurre] oo  ka hadlay goobta ayaa ka warbixiyay deeqda ay soo gaarsiiyeen dadka walaalaha ah ee ka soo qaxay dalka  Yemen oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

“Dadkan walaalaheena ah ee dhibaateysan inay wax u gartaan  runtii raashiinkan waxa uu ka kooban yahay Bur oo 15 kiilo ah Bariis oo 15 kiilo ah Sonkor oo 7 kiilo ah Saliid oo 3 Litir ah  Timir oo laba kilo ah  iyo Boorash oo Shan kiilo ah,  hay’adda  Islamic relief wey mahadsanyihiin  anaga ka gudiga  qaxootiga  ahaan waan ku wareejinay”, ayuu sheegay Hurre.

Gudoomiyaha degmada Shibis ee gobolka Banaadir  Axmed Muumin Axmed  aya ugu mahadceliyay hay’adda Islamic relief  iyo gudiga  badbaadinta qaxootiga Soomaliyeed  oo soo garsiiyay deeqda raashiinka ah dadka qaxootiga ah ee ka yimid dalka Yemen.

Tan iyo markii dagaalka uu ka qarxay dalka Yeman ayaa waxaa dalka Soomaaliya ku soo qulqulayay dadka ka soo baxsanaya colaadda ka oogan dalkaasi kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Yamaniyiin, iyadoo dadka Soomaaliyeedna ay u istaageen sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

Previous Post

Kulan looga hadlayay adkeynta amniga oo Jowhar lagu qabtay

Next Post

Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada oo tababar u soo xirey dhalinyaro

Next Post
Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada oo tababar u soo xirey dhalinyaro

Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada oo tababar u soo xirey dhalinyaro

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In