Munaasabadani oo tababar xirfado shaqo abuuris ah loogu soo xirayaay ilaa 150 dhalinyaro ah oo mudo bilo ah qaadanayay tababar xirfado ay ku shaqeystaan mustaqbalka ayaa waxaa ka qeyb galay masโuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo masโuuliyiin kale,iyadoo bixinta tababarkan ay iska kaashadeen dowladda Japan isla markaana la soo marsiiyay ururka ILO iyo Modern Management.
C/laahi Xuseen Maxamed oo ku hadlayay magaca hayโada barnaamijkan qabatay ayaa sheegay in tababarkan uu ka koobnaa waxyaabo badan oo ay ka faaโidi karaan dhalinyaradii ka qeybgashay sida farsamada gaadiidka iyo kuwo kale.
Daahir C/laahi Cabdi agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyi sportska ayaa muujiyaay ahmiyada ay leedahay fursadaha shaqo abuurista dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir kuxigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Cismaan Libaax Ibraahim oo ka hadlayay munaasabada ayaa dhiiro geliyay tababarada nuucaan ah oo dhalinyarada isla markaana shaqo loogu abuurayo.
Mudooyinkii ugu dambeyeey waxaa jiray dadaalo xirfado shaqo abuuris loogu sameynayo dhalinyarada oo in mudo ah haysatay shaqo laโaan.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฆm๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐๐ ๐๐๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐๐ง๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐ข๐๐๐๐ฅ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...












