Munaasabadani oo tababar xirfado shaqo abuuris ah loogu soo xirayaay ilaa 150 dhalinyaro ah oo mudo bilo ah qaadanayay tababar xirfado ay ku shaqeystaan mustaqbalka ayaa waxaa ka qeyb galay masโuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo masโuuliyiin kale,iyadoo bixinta tababarkan ay iska kaashadeen dowladda Japan isla markaana la soo marsiiyay ururka ILO iyo Modern Management.
C/laahi Xuseen Maxamed oo ku hadlayay magaca hayโada barnaamijkan qabatay ayaa sheegay in tababarkan uu ka koobnaa waxyaabo badan oo ay ka faaโidi karaan dhalinyaradii ka qeybgashay sida farsamada gaadiidka iyo kuwo kale.
Daahir C/laahi Cabdi agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyi sportska ayaa muujiyaay ahmiyada ay leedahay fursadaha shaqo abuurista dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir kuxigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Cismaan Libaax Ibraahim oo ka hadlayay munaasabada ayaa dhiiro geliyay tababarada nuucaan ah oo dhalinyarada isla markaana shaqo loogu abuurayo.
Mudooyinkii ugu dambeyeey waxaa jiray dadaalo xirfado shaqo abuuris loogu sameynayo dhalinyarada oo in mudo ah haysatay shaqo laโaan.
๐๐ฎ-๐๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐จ๐๐๐จ๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐
Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...












