Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaybtii Saddaxaad ee Carruurta Dibjirka ah oo laga Uruuriyay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Qaybtii Saddaxaad ee Carruurta Dibjirka ah oo laga Uruuriyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sahro Cumar Xasan oo Wadda Olole lagu daryeelayo Carruurta Darbi jiifka ah ayaa la wareegtay Mas’uuliyadda iyo daryeelka qeybtii Saddaxaad ee Carruurta Dibjirka ah ee ku Dayacan Xaafadaha, Suuqyada iyo goobaha kale ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka Ammar Qaadanaya Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya isla markaana ay marwadu la socoto ayaa qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ka sameeyay Howlgallo lagu Uruurinayo Carruurta Dibjirka ah ee ku dhibaataysan Caasimadda isla markaana haysan wax daryeel waalidnimo ah.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Marwo Sahro Cumar Xasan oo Warbaahinta Qaranka la hadashay ayaa Sheegtay in qorshahaan lagu Uruurinayo Carruurta Dayacan uu ka socon Doono Magaalada Muqdisho  illamaa inta laga waayo Carruur hooyo la,aan Ama Daryeel Xumi ku haysato Magaalada.

“Waa habeenkii Saddaxaad ciidamaduna ay soo Uruuriyaan Anigana waa Habeenkii labaad Aan kala qayb galo Runtii sifiican ayey u socotaa waa adigaa Arkaaya Howlaha aan Ku Uruurinay iyo in aan  kala soo Cayno been iyo Run ha Inoo sheegaanee waan tixgalinaynaa, qaar baa ku dhahaaya Hooyaday waan ka soo tagay, qaar baa ku dhahaaya ayeeyadeey waa ka soo Tagay, qaar baa ku dhahaaya daba ka fuul ayaan ahay marka annaga waxaa Naga go,an inaan siday noqotaba aanu daryeel u samayno” Ayey Tiri Marwada Madaxweynaha.

Dhinaca kale Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sahro Cumar Xasan ayaa Digniin u dirtay dadka sida macna la,aanta ah isaga fadhiya darbiyada iyadoo sheegtay in ciidamadu dadka nuucaas ah ay soo qaban doonaan si loo daryeelo, iyadoo baaq u dirtay walidiinta Soomaaliyeed kaas oo ku Aadan in Carruurta aysan Awoodin inay daryeelaan ku soo wareejiyaan xarunta lagu Xannaaneeyo Carruurta Daryeel la,aanta ku haysato Magaalada Muqdisho si loo Xannaaneeyo.

Qorshahaan ay waddo Marwada Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa jaanis Ama fursad ballaaran u Abuuraysa Carruur in muddo ah aanan helin daryeel Walid iyo Mid walaal intaba kuwaas  oo qaar kood waqtibadan ku qaatay Daryeel la,aantaas.

Previous Post

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya oo markale ka hadlay socdaalkiisa “Dhageyso”

Next Post

Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Dib u eegista Miisaaniyadda Qaranka

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Dib u eegista Miisaaniyadda Qaranka

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In