Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qeybta Labaad Maxaabiis laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho soo gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 7, 2018
in Wararka
0
Qeybta Labaad Maxaabiis laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho soo gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

13 dhalinyaro ah oo laga soo daayay Xabsiyada ku yaala Dalka Liibiya oo ay kula soo kulmeen Dhibaatooyin badan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Qaar kamida dhalinyaradda Dalka dib loogu soo celiyey ayaa sheegay in Xabsiyada Liibiya ku xiran yihiin Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayna la kulmaan dhibaatooyin uu jirdil ugu horeeyo.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya  in ay ka go’an tahay in dib looga  soo daayo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran qaar kamida Xabsiyada Caalamka.

“Runtii arrintan waxaa ay qeyb ka tahay Dadaalka Dowladda Soomaaliya ay wado kaas oo ah in dib Dalkooda loogu soo celiyo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran qaar kamida Xabsiyada Caalamka, waxaa  noo hirgalay Qorshayaal badan oo dhalinyaradaas lagu soo deynayo waxaana kamida Dalalka laga soo daayey Ethiopia, India, Jaziirada siishalis iyo Dalka Libya”.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo Wakaaladda SONNA la hadlay ayaa sheegay in qeybta Sedexaad Maxaabiista ku xiran Xabsiyada Liibiya oo tiro ahaan gaareysa 48-ruux ay rajeynayaan in Todobaadka soo socda la keeno Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore  qaar kamida Dalalka Caalamka ay ka soo deysay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa, waxaana Dalalkaas kamid ah Ethiopia, India, Jaziirada siishalis iyo Dalka Libya waxaana sidoo kale jira Qorshayaal kale oo Dowladdu wado kuwaas iyana lagu soo deynayo Dhalinyaro ku xiran Dalal kale oo Caalamka ah.

 

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo la kulmay wafdi ka socdey hey’adda ICRC

Next Post

Ra’iisul wasaare ku xiggeenka XFS oo daahfuray Munaasabadda dejinta siyaasadda Qaran ee cayaaraha

Next Post
Ra’iisul wasaare ku xiggeenka XFS oo daahfuray Munaasabadda dejinta siyaasadda Qaran ee cayaaraha

Ra’iisul wasaare ku xiggeenka XFS oo daahfuray Munaasabadda dejinta siyaasadda Qaran ee cayaaraha

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In