Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM: Ku dhowaad 50 m oo carruur ah ayaa qaxooti ku ah aduunka

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
QM: Ku dhowaad 50 m oo carruur ah ayaa qaxooti ku ah aduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhowaad 50 million oo carruur ah oo aduunka ku kala nool ayaa ah kuwo ka gudbay xuduuda wadamadooda ama waa ku colaadaha ay ku qasbeen in ay ka barakacaan deegaankooda, sida lagu sheegay warbixin dhowaan soo saartay QM.

Warbixintan ayaa waxaa soo aruurisay laanta qaramada midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, waxayna sheegaysaa in in ka badan nus milyan oo carrur ah ay ka qaxeen rabshado iyo amni la’aan.

Related posts

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026

Tirada Carruurta soo koreysay ayaa  isku dheeli tir la’aan ka dhigaysa marka loo eego kuwa qaxootiga ah, waxayna taasi tahay in sadex dalool tirada dadka aduunka ay yihiin carruur oo nus kamid ah tiradaasna yihiin qaxooti.

Warbixintan gaarka ah ayaa lagu sheegay in sanadkii la soo dhaafay dalalka Suuriya iyo Afghanistan carruurta qaxootiga ah ee ka timid ay tahay nus kamid ah marka loo barbardhigo 10 sano ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay laanta qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Unicef ayaa warbixintan soo saartay todobaadyo ka hor inta uusan  furmin shirka golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay, kaas oo madaxda la filayo in ay diiradda ku saaraan xal u helidda dhibaatooyinka daba dheeraaday ee ka jira dalalka Syria, Yemen, Afghanistan, Suudaanta koofureed iyo xasaradaha ka jira qeybo kamid ah bariga dhexe.

“Carruurta mas’uul kama ahan qaraxyada, rasaasta, burcada hubeysan, xadgudubyada, baab’inta dalagyada  iyo hoos u dhaca dakhliga maalinlaha ee qoyska oo keentay in guriyahooda ka cararaan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta ayaa tibaaxday in Turkiga uu martigeliyay tiradii ugu badneynd ee qaxooti ah kuwaas oo ka cararay dalka Suuriya, sidoo kalena noqoneysa tiro aad u badan oo carruur qaxooti ah. Dalka Lubnaan ayaa sidoo kale waxaa uu hoysiiyay qaxooti Suuriyaan ah taas oo qiyaastii ka dhigaysa shantii qofba uu mid kamid ah uu yahay qaxooti.

Previous Post

Cayaaraha dadka naafada ee Paralympics oo caawa furmi doono-Daawo sawiradda

Next Post

Danjiraha Soomaaliya ee Pakistaan oo la kulantay wasiirada waxbarashada, iyo caafimaadka-Sawirro

Next Post
Danjiraha Soomaaliya ee Pakistaan oo la kulantay wasiirada waxbarashada, iyo caafimaadka-Sawirro

Danjiraha Soomaaliya ee Pakistaan oo la kulantay wasiirada waxbarashada, iyo caafimaadka-Sawirro

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhaha oo lagu qabtay Muqdisho

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In