Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo shaacisay iney sii kordhayaan tirada Qaxootiga Dhadhaab ee ku soo laabanaya Soomaaliya

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
QM oo shaacisay iney sii kordhayaan tirada Qaxootiga Dhadhaab ee ku soo laabanaya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoos u dhac ku yimaaday dhaqaalihii ku bixi jiray Qaxootiga ku dhaqan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Kenya iyo tirada dadka deegaansanaya Xeryahaasi oo hoos u dhacday ayaa horseedeysa in Qaramada Midoobay dib u soo celiso howlgaladeedii Xeryaha Dhadhaab,sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Aduunka UNHCR.

Tirada guud ee inta badan dadka Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab ayaa hoos u dhac ku yimid qiyaastii kala bar sannadihii ugu dambeeyay – laga soo bilaabo sanadkii 2011-kii oo tirada Qaxootiga ay ahaayeen 464,500 ilaa 240,000  bartamaha Sebtembar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Xafiiska UNHCR.

Miisaaniyadda xeryaha ayaa la jaray 70-boqolkiiba isla muddadaas, ayuu yiri afhayeenka hay’adda qaxootiga ee QM Yvonne Ndege.

Natiijada, ay heshay Qaramada Midoobay ayaa qorsheyneysa in ay xirto xafiiskeeda Alinjugur ee Dadaab bisha March ee soo socota.

Tallaabadan ayaa dhalisay dibad-baxyo ay ka soo qaybgaleen dadka deegaanka oo ka cabsanaya inuu hoos u dhac ku yimaado adeegyadii muhiimka ah ay helayeen, Sida uu qoray Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Kenya.

Sidoo kale,Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR,ayaa shaacisay iney dhimeyso Miisaaniyada ay ku bixiso Ururada ka shaqeeya Xeryaha dhadhaab ee qaabilsan Hormarinta iyo is dhex galka Bulshada iyo waliba Hay’adaha kale ee NGO-yada ee ka shaqeey mashaariicda beeraha iyo waraabintooda.

“Iyadoo la tixgelinayo dadaalka isku dhafka ah ee socda, waxaa sidoo kale loo arkayay mid caqli gal ah oo lagu xoojinayo qorshaha hirgelinta, iyada oo la adeegsanayo kheyraad la dhimay,” Sidaasi waxaa tiri Ms Ndege oo ka jawaabeysay Fariimo loo diray.

Dib u soo celinta Qaxootiga.

Qaar kale oo ka mid ah 17,229-Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Xeryaha Dhadhaab   ayaa u diiwaan gashan inay ku soo noqdaan Soomaaliya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dib u celinta iskaa-wax-u-qabso waxay ku dhacdaa go’aanka shaqsiyaadka dib loo soo celinayo oo keliya,wuxuuna qorshahaan dhabaha u xaarayaa in qaxootiga mudada badan ku sugnaa xeryaha dhadhaab dib ugu soo laabtaan dalkooda kana qeyb qaataan dhismaha socda.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, 832-Qaxooti Soomaali ah ayaa dib ugu soo noqday Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose halka 83-Qoysna laga soo dejiyay Muqdisho.

Inkastoo tiro yar oo ka mid ah Qaxootiga ay walaac ka muujinayaan dib u soo celinta ayaa hadana warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in badi Qaxootiga ku qanacsan yihiin dib u soo celinta dalkooda hooyo.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adaha caalamiga ah ayaa qorsheyneysa sidii dib u dejin iyo shaqo abuuris loogu sameyn lahaa Qaxootiga dib u soo laabanaya.

Previous Post

Dhageyso: Barnaamijka Kulanka todobaadka

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si weyn loogu soo dhoweeyay Masar

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si weyn loogu soo dhoweeyay Masar

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si weyn loogu soo dhoweeyay Masar

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In