Sunday, August 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo shaacisay iney sii kordhayaan tirada Qaxootiga Dhadhaab ee ku soo laabanaya Soomaaliya

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
QM oo shaacisay iney sii kordhayaan tirada Qaxootiga Dhadhaab ee ku soo laabanaya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoos u dhac ku yimaaday dhaqaalihii ku bixi jiray Qaxootiga ku dhaqan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Kenya iyo tirada dadka deegaansanaya Xeryahaasi oo hoos u dhacday ayaa horseedeysa in Qaramada Midoobay dib u soo celiso howlgaladeedii Xeryaha Dhadhaab,sida ay sheegtay Hayโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Aduunka UNHCR.

Tirada guud ee inta badan dadka Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab ayaa hoos u dhac ku yimid qiyaastii kala bar sannadihii ugu dambeeyay โ€“ laga soo bilaabo sanadkii 2011-kii oo tirada Qaxootiga ay ahaayeen 464,500 ilaa 240,000ย  bartamaha Sebtembar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

August 2, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026

Xafiiska UNHCR.

Miisaaniyadda xeryaha ayaa la jaray 70-boqolkiiba isla muddadaas, ayuu yiri afhayeenka hayโ€™adda qaxootiga ee QM Yvonne Ndege.

Natiijada, ay heshay Qaramada Midoobay ayaa qorsheyneysa in ay xirto xafiiskeeda Alinjugur ee Dadaab bisha March ee soo socota.

Tallaabadan ayaa dhalisay dibad-baxyo ay ka soo qaybgaleen dadka deegaanka oo ka cabsanaya inuu hoos u dhac ku yimaado adeegyadii muhiimka ah ay helayeen, Sida uu qoray Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Kenya.

Sidoo kale,Hayโ€™adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR,ayaa shaacisay iney dhimeyso Miisaaniyada ay ku bixiso Ururada ka shaqeeya Xeryaha dhadhaab ee qaabilsan Hormarinta iyo is dhex galka Bulshada iyo waliba Hayโ€™adaha kale ee NGO-yada ee ka shaqeey mashaariicda beeraha iyo waraabintooda.

โ€œIyadoo la tixgelinayo dadaalka isku dhafka ah ee socda, waxaa sidoo kale loo arkayay mid caqli gal ah oo lagu xoojinayo qorshaha hirgelinta, iyada oo la adeegsanayo kheyraad la dhimay,โ€ Sidaasi waxaa tiri Ms Ndege oo ka jawaabeysay Fariimo loo diray.

Dib u soo celinta Qaxootiga.

Qaar kale oo ka mid ah 17,229-Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Xeryaha Dhadhaabย  ย ayaa u diiwaan gashan inay ku soo noqdaan Soomaaliya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dib u celinta iskaa-wax-u-qabso waxay ku dhacdaa goโ€™aanka shaqsiyaadka dib loo soo celinayo oo keliya,wuxuuna qorshahaan dhabaha u xaarayaa in qaxootiga mudada badan ku sugnaa xeryaha dhadhaab dib ugu soo laabtaan dalkooda kana qeyb qaataan dhismaha socda.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, 832-Qaxooti Soomaali ah ayaa dib ugu soo noqday Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose halka 83-Qoysna laga soo dejiyay Muqdisho.

Inkastoo tiro yar oo ka mid ah Qaxootiga ay walaac ka muujinayaan dib u soo celinta ayaa hadana warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in badi Qaxootiga ku qanacsan yihiin dib u soo celinta dalkooda hooyo.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Hayโ€™adaha caalamiga ah ayaa qorsheyneysa sidii dib u dejin iyo shaqo abuuris loogu sameyn lahaa Qaxootiga dib u soo laabanaya.

Previous Post

Dhageyso: Barnaamijka Kulanka todobaadka

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si weyn loogu soo dhoweeyay Masar

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si weyn loogu soo dhoweeyay Masar

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si weyn loogu soo dhoweeyay Masar

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

August 2, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Aqoon-is-weydaarsiga Istaraatiijiyadda iyo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa...

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

August 2, 2026
0

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi...

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Maxkamadda Xarardheere

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Maxkamadda Xarardheere

August 2, 2026
0

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Maxkamadda Degmada Xarardheere...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In