Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo Sheegtay in muhaajiriin lagu la’yahay xeebaha Liibiya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
QM oo Sheegtay in muhaajiriin lagu la’yahay xeebaha Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 muhaajiriin ah lagu la’yahay xeebaha dalka Liibiya, kuwaas oo loo maleynayo inay dhinteen labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

IOM ayaa sheegtay in 12-kii Maarso lasoo sheegay in doon ay saarnaayeen 25 muhaajiriin ah ay ku dagtay meel u dhow xeebaha Liibiya ee Tobruk, iyadoo intaas ku dartay in ciidamadu ay soo badbaadiyay lix tahriibayaal ah, iyo sidoo kale toddobada ruux oo kale oo meydkooda badda laga soo helay, halka 12 kalena la la’yahay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Mashruuca diiwaan gelinta muhaajiriinta la waayay ee IOM ayaa intaas ku daray in dhacdadan ugu dambeysay ay ka dhigeyso tirada guud ee muhaajiriinta la sheegay in ay ku dhinteen ama lagu la’yahay Bartamaha Mediterranean-ka ilaa 215 qof sanadkan.

“Waan ka naxay dhimashada joogtada ah ee ka jirta Bartamaha Mediterranean-ka iyo ficil la’aanta wax ka qabashada masiibadan socota. In ka badan kala bar dhimashada sanadkan ayaa laga diiwaan geliyay meel u dhow xeebaha Liibiya.” ayuu yiri Federico Soda, madaxa IOM ee dalka Liibiya.

Tags: QM oo Sheegtay in muhaajiriin lagu la’yahay xeebaha Liibiya
Previous Post

6-kursi oo lagu doortay Garowe iyo Puntland oo soo gabagabeysay doorashada BFS

Next Post

Ciidanka Xoogga oo Horjoogayaal ka tirsan Al shabaab ku dilay Jubadda Hoose

Next Post
Ciidanka Xoogga oo Horjoogayaal ka tirsan Al shabaab ku dilay Jubadda Hoose

Ciidanka Xoogga oo Horjoogayaal ka tirsan Al shabaab ku dilay Jubadda Hoose

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In