Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo Soomaaliya ugu hambalyeeysay guusha ay ka gaartay deyn Cafinta

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
QM oo Soomaaliya ugu hambalyeeysay guusha ay ka gaartay deyn Cafinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaartay geedi socodka deyn cafinta, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ergeyga.

Soomaaliya ayaa barta go’aan qaadashada ka gaartay Hindisaha Dalalka Saboolka ee aadka u deemoobay ee loo yaqaano Highly Indebted Poor Countries Initiative.

Related posts

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026

“Waa guul taariikhi ah oo dalka u qaaday dhanka Nabadda iyo Barwaaqo”

“Xaqiijinta barta go’aan qaadashada waa talaabo Soomaaliya u qaatay dhanka horumarinta dhaqaalaha, isla markaana dalka u ogolaanaysa in uu sameeyo kobac dhaqaale oo loo dhan yahay kaas oo yareyn doono heerka saboolnimada dalka. Dhammaan dadka Soomaaliyeed ayaa guushan ku faani kara,” ayuu yiri James Swan.

Waxaa uu intaas ku daray, in xaqiijinta barta g’aan qaadashada hey’adaha maaliyadda adduunka ay ku timid markii madaxda dowladda Soomaaliya la yimaadeen isbedel dhab ah oo ay ku sameeyeen hanaanka maaliyadda wadanka.

“Tani ayaa sidoo kale, ka tarjumeysa wada shaqeynta xoogan oo ay wada leeyihiin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, marka la sameeyay hanan iskaashi tan ayaa ka dhalatay iyo guulo kale.”

Hye’adda IMF iyo Bankiga adduunka ayaa Barnaamijka loo yaqaano Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee deemeysan aas aasay 1996 kaas oo loogu talagalay in dalalka faqriga ah oo deynta la degtay lagu dhiso awoodooda maamul isla markaana lagu caawiyo.

In Soomaaliya gaarto barta go’aan qaadashada waxaa ay ka dhigan tahay in dalka deynta laga khafiifyo isla markaana xiriir wada shaqeyneyd la yeesho hey’adaha maaliyadda dunida.

Soomaaliya hadda waxaa ay heli doontaa dhaqaale lagu maalgelinayo dowladda ayna ku sameyn karto horumarka loo baahan yahay, sidoo kalena fursad ka heli karaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Previous Post

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOGAADIYAY GUUSHA SHACABKA IYO DOWLADDA SOOMAALIYEED AY KASOO HOYEEN DEYN CAFINTA

Next Post

Dowladda Qatar oo soo dhaweysay deyn-cafinta Soomaaliya

Next Post
Dowladda Qatar oo soo dhaweysay deyn-cafinta Soomaaliya

Dowladda Qatar oo soo dhaweysay deyn-cafinta Soomaaliya

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada iyo manaafacaadsiga Timirta.   War...

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In