Sunday, March 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qodobo Laga Bedeley Qaabka Loo Qaban Jirey Doodaha Madaxtinimada Mareykanka

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Qodobo Laga Bedeley Qaabka Loo Qaban Jirey Doodaha Madaxtinimada Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga qaban qaabiya doodaha musharaxiinta madaxtinimada Mareykanka ayaa sheegay in ay bedeleen hanaanka doodaha loo qaban jirey, si loo xaqiijiyo labada kulan ee ay fooda isku dari doonaan Trump iyo Biden in ay noqdaan kuwa nidaamsan.

Waxyaabaha hadda la soo kordhiyay ayaa waxaa kamid ah in microfoonka laga damiyo marka uu musharaxa isku dayo in uu carqaladeeyo kan kale, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuuney

March 29, 2026

Doodii habeen hore dhex martay madaxweyne Trump iyo Joe Biden ayaa lagu tilmaamay in ay aheyd tii ugu liidatay  maadaama isku bedeshay is qabqabsi, muran iyo aflagaado.

Kooxda madaxweyne Trump ayaa dhaleeceeya go’aanka guddiga, iyadoo qaabka ay u dhacday doodihii hore si weyn loo dhaliilay qaabkii ay u qabsoontay.

Dhacdadan, si kastaba ha noqotee, waxaa sidoo kale hareeyay hadalada Mr Trump uu ka sheegay koox midigta-fog ah oo lagu magacaabo Proud Boys.

Guddiga waxay sheegeen in dhowaan soo saari doonaan go’aanada iyo qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay.

Sidoo kale, guddiga waxay amaaneen daadeheyaha dooda Chris Wallace, oo si xirfadeysan u maamulay doodihii habeen hore.

Madaxweyne Trump  ayaa si daba joog ah uga dhex galayay hadalka Mr. Biden taas oo keentay in dooda ay fowdo isku bedesho isla markaan labada nin si caadi ah isku dhaafsadaan hadalka.

Mr Trump ayaa wax ka weydiiyay qorshaha sirdoonka Biden inta uusan ka jawaabin su’aasha ayaa Trump hadalka ka soo dhex galay, Mr. Biden ayaa ku jira Trump si kaftan ah iga aamus isagoo dhahaayo : Ma iga aamusi kartaa ninyahow?

Intii ay socotay doodihii habeen hore, waxaa Trump la waydiiyay in uu cambaareynayo dadka aaminsan sareynta caddaanka isla markaana u sheego in ay joojiyaan banaan baxyada.

Trump waxaa uu ku adkaysay in uusan diyaar u aheyn cambaareynta taas oo si weyn loogu dhaliilay, waxaana kamid ah dadka arrintaas ka hor yimid senarada jamhuuriga.

Agaasimaha xiriirka ololaha Trump Tim Murtaugh, ayaa doodii habeen hore ku sifeeyay si si xor ah aaraada la isku dhaafsaday isagoo dhaleeceeyay go’aanka guddiga.

“Waxa ay sidan u sameynayaan waa guudaradii xalay soo wajahday musharaxooda,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Kate Bedingfield oo ah maamule ku xigeenka ololaha Joe Biden ayaa sheegtay in madaxweyne ku xigeenkii hore uu ka qeyb ahaan doona sharci kasta oo guddigu soo saaro kaas oo lagu xakameynayo dhaqanka qalafsan ee madaxweyne Trump.

“Madaxweynuhu waa in uu kala doortaa labo arrin midkood in codbixiyeyaasha uga jawaabo su’aalaha ay qabaan oo uusan ilaa iyo hadda ka jawaabin ama in uu mar kale ku celiyo jah wareerkii xalay oo kale,” ayay tiri.

Dooda labaad ayaa la qorsheeyay in 15 bisha October ka dhacday magaalada Miami ee gobolka Florida.

Previous Post

Duulimaadyadii Soomaaliya iyo Uganda oo Maanta dib loo bilaabay +Sawirro

Next Post

AFRICOM oo Ku Baaqday in La Dardargeliyo Howlgalada ka Dhanka ah Alshabaab (WARBIXIN)

Next Post
Mareykanka oo beeniyay in Gudaha Soomaaliya looga dilay Askari

AFRICOM oo Ku Baaqday in La Dardargeliyo Howlgalada ka Dhanka ah Alshabaab (WARBIXIN)

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuuney

March 29, 2026
0

Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, oo ku guda jira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa maanta oo ay taariikhdu...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Baay, kadib...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In