Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoraagii buugga “Aayadaha Shaydaanka” Salman Rushdie oo New York lagu weeraray

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Qoraagii buugga “Aayadaha Shaydaanka” Salman Rushdie oo New York lagu weeraray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Salman Rushdie, Qoraaga British-ka ah ee qaar ka mid ah qoraalladiisa ay horseedeen inuu bartilmaameed dil u noqdo Iran, isla markaana dhuumasho ku noolaado, ayaa lagu weeraray masrax ku yaalla galbeedka New York oo uu hadal ka jeedinayey.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u kala cararaya inay caawiyaan Salman oo ku sugnaa Machadka Chautauqua.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Booliska ayaa xaqiijiyey in qoraagaan 75 jirka ah laga tooreeyey qoorta, balse ma aysan bixin faah-faahin. Waxaan sidoo kale weli caddeyn xaaladdiisa.

“Nin ayaa masraxa kusoo weeraray Rushdie. Rushdie wuxuu dhaawac ka gaaray qoorta, waxaana lagu qaaday helicopter oo lagu geeyey isbitaal. Xaaladdiisa weli ma cadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka AP oo ku sugnaa goobta ayaa xaqiijiyey in ninka weeraray Salman Rushdie uu ugu yaraan 10 illaa 15 jeer mindiyeyeey ama feeray.

Salman Rushdie ayaa ku dhacay goobta, waxaana isbitaal loogua qaaday diyaarad helicopter ah.

Buug uu Salman Rushdie qoray 1988-kii oo uu ugu magac daray “Aayadaha Shaydaanka” ayaa horseeday fatwo dil ah oo uu soo saaray hoggaamiyihii hore ee kacaanka Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Buuggan ayaa sidoo kale Muslimiinta ay u arkeen inuu xushmad darro ku yahay nebi Muxamed NNKH.

Rushdie oo ku dhashay India, waalidkiisna ay ahaayeen Muslimiin aan diinta ku dhaqmin, islamarkaana isaga sheegay inuusan diin laheyn, ayaa dhuumasho ku noolaa kadib markii buugga uu soo baxay 1988-kii.

Si kastaba, wuxuu dhammaadkii sagaashamaadka billaabay inuu soo muuqdo kadib markii Iran ay sheegtay inaysan hadda kadib taageereyn in khaarijiyo.

VOA + AFP + AP

Previous Post

Wasiirka cusub ee dhallinyarada XFS oo lagu soo dhaweeyay dalka Turkiga

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo baaq ka soo saaray rabshadaha ka socda Somaliland

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo baaq ka soo saaray rabshadaha ka socda Somaliland

Ra'iisul Wasaaraha XFS oo baaq ka soo saaray rabshadaha ka socda Somaliland

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In