Monday, August 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Qormo: Jowhar maxaan ku soo arkay?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 8, 2021
in Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
Wasiirka Warfaafinta “Waa waajib in Warbaahintu ay difaacdo madax bananinada Qaranimada Soomaaliya” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khamisitii la’ soo dhaafay waxan kamid ahaa wefdi culus oo uu hoggaaminayey Raisal Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble, ujeedada wefdigu waxa ay ahayd bal in madaxda xukuumaddu indhahooda ku soo arkaan dhibaatada uu geystay Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Jowhar iyo hareereheeda.

Jowhar waa caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeele, waana caasimadda maamul goboleed ee ugu dhow Caasimadda Federaalka ee Muqdisho, Jowhar iyo Xamar waxay isu jiraan 50 Mayl oo u dhiganta 90KM oo keli ah.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

August 3, 2025
Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025

Haddii aan dib ugu yara laabto taariikhda magaalada: Jowhar waxa lagu tiriyaa in ay tahay magaalooyinkii ugu horreeyey dhulka Soomaalida ee aan xeebaha ahayn ee magaalooba. Quruxda iyo hodantininadeedu waxay sanadkii 1905 soo jiidatay Amiirkii Reer Boqor ee Talyaaniga ahaa ee Abruzzi, Amiirkaas oo magaaladan si weyn u caashaqay ugu dambayntiina degey illaa uu ka geeryoonayey. Jowhar waxay kaga hormartay magaalooyinkii kale ee dhiggeeda ama da’deeda ahaa Talyaaniga oo arkay muhiimaddeeda iyo nimcada Rabbi ku mannaystay, iyo dadkeeda oo ah dad tacab badan.

Abruzzi iyo asxaabtiisii ayaa sabab u ahaa maal-gelin badan oo Talyaanigu ku sameeyey Jowhar iyaga oo ka hirgeliyey tareenkii ugu horreeyey ee isku xidha Xamar iyo Jowhar, iyo sidoo kale casriyeyntii beeraha, horumaruntii jidadka iyo buundooyinka iyo goobaha adeegga bulshada. Sidaas ayay Jowhar uga mid noqotay magaaloyinkii ugu horreeyey ee dhulka Soomaalida ee Warshado yeesha.

Xoriyaddii kaddibna Jowhar waxay noqotay magaalo wax soo saar oo dhaqaale leh. Sidoo kale waxay caan ku noqotay qaybaha kala duwan ee sports ka oo mar kasta ay ahayd horyaal.

Jowhar marka laga tago in ay tahay magaalo istaraatiiji ah haddana waxay caan ku tahay wax-soo saarka Beeraha, xoolaha iyo warshedaha. Beri-samaadkii Jowhar oo caasimad u ahayd Gobolka Shabeelada Dhexe waxa hoos iman jirey Warshadaha ugu waaweyn dalka sida:

Warshaddii Sonkorta ee Isnai-piazza iyo qaybteedii kale ee Perfumes ka
Warshaddii Dharka ee Balcad
Warshaddii Hubka iyo Rasaasta Mahaday
Waa xilliga ay soo baxday ama Jidda ama Jowhar. Ama sidoo kale “ifkana Jowhar ka joog, aakhirana jannada ka joog”.

Sidoo kale Jowhar waxay caan ku tahay beeraha iyo dalagga ku baxa webiga Shabeele oo waraabiya dhul beereed badan. Khudradda Jowhar ayaa aad uga dhadhan ‘mac’ qudradda kale ee Dalka ka soo go’da, sababta ma aqaan! Dallagyada bariiska iyo qasabka sonkorta laga sameeyo ayay Jowhar caan ku ahaan jirtay.
Xoolaha hilibka macaan ee deexda uga yimaadda iyo caanaha daadka ah ee galbeedka webiga ka yimaadda iyo wax soo saarka kale ee faraha badan ayaa magaalada Jowhar ka dhigay halbowlayaasha quudiya dadweynaha Caasimadda Xamar ee malaayiinta kor u dhaafay.

Laakiin: Haddii xilliyada qaar la odhan jirey; Ku dekee haddaad Jowhar timi waa dan raaxaduye; hadda waxan indhahanaga ku soo aragnay xaalad u baahan gurmad degdeg ah, sidii aan ku baahinay wararkayagii hore illaa 12,000 kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaadii uu dhowaan sameeyey Webiga Shabeele. 27 tuulona wuu saameeyey, 40 kun oo hiktar oo dhul-beereed ahna wuu baabi’iyey, xoolaha uu waxyeelayna tiro laguma soo koobi karo, waxana go’an jidkii Balcad-Jowhar-Mahaday, ku dhowaad 60km ayaa biyo jiifaan.

Sida aan kor ku soo xusay; Hirshabelle waa maamul-goboleed deris la’ ah caasimadda, oo dhib iyo dheef wadaagba la’ ah, sidaas oo ay tahay dabaqadihii dhexe ee wax haystay iyo ganacsatadii tunka weynayd ee Caasimaddu weli uma gurman yaraankoodii.

Raage Ugaas wuxu yidhi; Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye Shacabka Reer Jowhar ee 3-da usbuuc guryahoodii iyo beerahoodii ka maqan oo isdul buuxiyey degaamada iyo tuulooyinka dibadda ee weli fatahaaddu aanay gaadhin iyo dadweynaha faraha badan ee magaalada Jowhar dhexdeeda ku go’doonsan ee aan wax gaadiid ah oo raashin u wadaa aanay ku dhowaad hal bil u tegin runtii waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Cismaan Dubbe
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS

Previous Post

Shirkii labaad ee Madasha muuqaalka cimilada Qaranka ee (NCOF) oo qabsoomay

Next Post

Miino baarayaal lagu dilay Afghanistan

Next Post
Miino baarayaal lagu dilay Afghanistan

Miino baarayaal lagu dilay Afghanistan

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

August 3, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa gudoomiyay kulan muhiim ah oo lagu soo...

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee...

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

August 3, 2025
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee...

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

August 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In