Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas abaarta ka soo barakacay oo deeq raashin ah loogu qeybiyay degmada Kaxda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Qoysas abaarta ka soo barakacay oo deeq raashin ah loogu qeybiyay degmada Kaxda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barakac

Deeq isugu jirta raashiin iyo biyo nadiif ah ayaa loo qeybiyay boqolaal qoysas ah oo ka mid ah kuwa ka soo hayaamay deegaannada ay abaaruhu saameeyeen  ee gobolada dalka ,isla markaana soo gaaray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dadkan oo u badan haween iyo carruur oo ay ka muuqato diifta ay ku reebtay abaarta ayaa waxaa deeqda gaarsiiyay Ururka Haweenka Qaranka oo ay u soo wakiisheen guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran, iyadoo ay wehliyaan mas’uuliyiin uu kamid yahay ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi Guure iyo xubno kale oo maamulka gobolka katirsan.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu u ka mahadceliyay dadkii soo agaasimey gurmadkan, isagoo sheegay in degmada maalin walba ay soo gaaraan dad aad u nugul oo abaarta saameysay.

Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ah guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka ayaa ka hadashay noocyada deeqdan ay ka kooban tahay, waxayna dadka barakacyaasha ah ugu laab qaboojisay in ay ka bixi doonaan dhibaatada heysata dadkan.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa sheegay in maamulada degmooyinka la amray in ay ka shaqeeyaan u gurmashada dadka soo barakacay, isagoo baaq u direy dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gurmad gaarsiiyaan dadka dhibaatada abaarta taabatay.

Dad badan oo kamid ah kuwa ay saameysay abaarta ku dhufatay gobollada dalka ayaa soo gaaray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Saamaynta Abaarta oo korortay deegaannada gobolka Galgaduud

Next Post
FAALO: Go’doominta Al-shabaab iyo Gaajada Shacabka

Saamaynta Abaarta oo korortay deegaannada gobolka Galgaduud

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In