Tuesday, January 31, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas danyar oo loo qeybiyay lacago ay ku shaqeystaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 7, 2015
in Wararka
0
Muqdisho oo marti gelineysa shirka IGAD iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda badbaadada carruurta iyo haweenka ee SSWC ayaa maanta waxa ay 20 haween ah u qeysbisay lacag, taasi oo ay ugu talagashay inay ku maareeyeen noloshooda.

Deeqdan lacagta ah ee loo qeybiyay 20-ka haween ee ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ayaa midkiiba la siiyay $500, iyadoo munaasabadii qeybinta lacagta ay goob joog ka ahayeen agaasimaha Hay’adda badbaadada carruurta iyo haweenka ee SSWC, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, xubno ka socday Wasaaradda Haweenka, Ururrada bulshada rayidka ah, waxaana deeqdan lacagta ah bixisay hay’adda Axmed Nuur Foundation, iyadoo ay fulisay hay’adda SSWC.

Related posts

Wasiirka Deegaanka XFS oo safar shaqo ku tagtay dalka Findland.

Wasiirka Deegaanka XFS oo safar shaqo ku tagtay dalka Findland.

January 31, 2023
Wasiirka qorsheeynta X.F.S oo qaabilay wafdi ka socday EAC

Wasiirka qorsheeynta X.F.S oo qaabilay wafdi ka socday EAC

January 31, 2023

Agaasimaha Hay’adda badbaadada carruurta iyo haweenka ee SSWC Aamino Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in lacagtan loogu talagalay in haweenka ay ku shaqeystaan, kuwaasi oo isugu jira kuwa horey tacadiyo kala duwan loo geystay iyo kuwa kale, waxaana ay intaa ku dartay in haweenkan ay horey u siiyeen siminaaro ku saabsan xirfado ay ku shaqeystaan,.

Sidoo kale haweenkii loo qeybiyay lacagta ayaa ka mahadceliyay kaalmada la siiyay

Qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah iyo xubno ka socday Wasaaradda Haweenka oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay inay tahay wax lagu daysado talaabada maanta haweenka lagu guddoonsiiyay lacago loogu talagalay inay ku maareeyaan noloshooda

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuuli Sheekh Axmed Gabale oo ka hadashay muaasabadii ay Hay’adda badbaadada carruurta iyo haweenka ee SSWC lacagta ugu qeybineysay haweenka danyarta ah ayaa waxa ay xustay in dhibaatooyinkii dalka ka dhacay ay saameeyn ku yeesheen dumarka.

Hay’adda SSWC oo u taagan badbaabada carruurta iyo haweenka ayaa ah hay’ada ka shaqeyso wax u qabashada dumarka iyo carruurta, iyadoo dhawaan 8-boqol haween ah bartay xirfado ay ku shaqeystaan.

Previous Post

Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ka socoto Dhuusamareeb

Next Post

Wasaaradda Kalluumaysiga oo sheegtay in ay soo saarayso Sharci cusub

Next Post

Wasaaradda Kalluumaysiga oo sheegtay in ay soo saarayso Sharci cusub

Wasiirka Deegaanka XFS oo safar shaqo ku tagtay dalka Findland.

Wasiirka Deegaanka XFS oo safar shaqo ku tagtay dalka Findland.

January 31, 2023
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS, Khadiijo Maxamed Al- Maqsuumi oo safar shaqo ku joogta dalka Finland ayaa kulamo...

Wasiirka qorsheeynta X.F.S oo qaabilay wafdi ka socday EAC

Wasiirka qorsheeynta X.F.S oo qaabilay wafdi ka socday EAC

January 31, 2023
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Maxamuud Cabdiraxman Sheekh Faarax (Beenebeene),  ayaa maanta ku qaabilay xarunta...

Tirada dadka ku dhintay Qaraxii ka dhacay Masaajid ku yaalla Peshawar oo sii kordhay

Tirada dadka ku dhintay Qaraxii ka dhacay Masaajid ku yaalla Peshawar oo sii kordhay

January 31, 2023
0

Tirada dadka ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday masaajid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan ayaa...

Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay ninkaan loo haysto fal Burcadnimo

Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay ninkaan loo haysto fal Burcadnimo

January 31, 2023
0

Ciidanka Booliska degaanka Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay ninkaan oo loo haysto Burcadnimo hubeysan, xilli dadka Shacabka ah ee deegaanku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In