Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qunsulka Soomaaliya ee Cadan oo ka warramay xaaladda Markabkii loo diray Soomaalida

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Markabkii dowladda u dirtay Yemen oo ku xirtay dekadda Mukallah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen, Axmed Suudaani ayaa sheegay in maanta ay ka rajo qabaan inay billaabaan howsha lagu soo rarayo Markab ay dowladda Soomaaliya u dirtay dalka Yemen si uu u soo qaado dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaallada ka socda waddankaasi.

Axmed Suudaani oo ku sugan dekadda Mukalla ee dalka Yemen ayaa sheegay in wada-hadallo ku saabsan sida dadka loo saari karo Markabka ay la leeyihiin masuuliyiinta dekadda iyo degaanka.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

“Wada-hadallada aan kula jirno maamulka iyo guddiyada diiwaan galiya qaxootiga inay maanta noo soo dhammaadaan ayaan rajaynayaa, Markabka hadda xirana aan ku xigsanno oo aan berriba billowno sidii dadka loo saari lahaa Markabka” ayuu yiri Suudaani.

Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Cadan ayaa diiwan galin ku wadda dadka Soomaalida ah ee doonaya inay soo raacaan markabkan oo keeni doona magaalada Boosaaso.

“Dad Soomaaliyeed oo ku sugan meelo kala duwan sida xerada Al-Kharas iyo magaalooyin kale ayaa nala soo xiriiray, waxaana diiwaan gelin wadda qunsuliyaddeena Cadan, waxaan rajaynaynaa in dhammaan dadka doonaya in dalkooda loo qaado aan Markabka saarno” ayuu yiri Suudaani.

Previous Post

Nicholas Kay oo ka hadlay xaaladda Dhuusamareeb

Next Post

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Next Post
Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In