Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qunsulka Soomaaliya ee Cadan oo ka warramay xaaladda Markabkii loo diray Soomaalida

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 9, 2015
in Wararka
0
Markabkii dowladda u dirtay Yemen oo ku xirtay dekadda Mukallah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen, Axmed Suudaani ayaa sheegay in maanta ay ka rajo qabaan inay billaabaan howsha lagu soo rarayo Markab ay dowladda Soomaaliya u dirtay dalka Yemen si uu u soo qaado dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaallada ka socda waddankaasi.

Axmed Suudaani oo ku sugan dekadda Mukalla ee dalka Yemen ayaa sheegay in wada-hadallo ku saabsan sida dadka loo saari karo Markabka ay la leeyihiin masuuliyiinta dekadda iyo degaanka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Wada-hadallada aan kula jirno maamulka iyo guddiyada diiwaan galiya qaxootiga inay maanta noo soo dhammaadaan ayaan rajaynayaa, Markabka hadda xirana aan ku xigsanno oo aan berriba billowno sidii dadka loo saari lahaa Markabka” ayuu yiri Suudaani.

Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Cadan ayaa diiwan galin ku wadda dadka Soomaalida ah ee doonaya inay soo raacaan markabkan oo keeni doona magaalada Boosaaso.

“Dad Soomaaliyeed oo ku sugan meelo kala duwan sida xerada Al-Kharas iyo magaalooyin kale ayaa nala soo xiriiray, waxaana diiwaan gelin wadda qunsuliyaddeena Cadan, waxaan rajaynaynaa in dhammaan dadka doonaya in dalkooda loo qaado aan Markabka saarno” ayuu yiri Suudaani.

Previous Post

Nicholas Kay oo ka hadlay xaaladda Dhuusamareeb

Next Post

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Next Post
Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In