Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

R.W Kheyre oo ka warbixiyey Waxqabadka Dawladda ee mudadii ay jirtay Xukuumadda “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
R.W Kheyre oo ka warbixiyey Waxqabadka Dawladda ee mudadii ay jirtay Xukuumadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

.Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mduane Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galay bannaan-bax lagu taageerayay 100-kii maalmood ee ay jirtay Dawladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay labadii bilood ee ay jirtay Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo wax yaabihii u qabsoomay, waxana uu si gaar ah diiradda ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’adaha sare ee Qaranka, kalsoonida Shacabka, Dhaqaalaha, Amniga iyo abaarihii ka dhacay dalka.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre waxa ugu horeyn uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay dawladda u hayaan, wuxuna tilmaamay in waajib ay tahay in bisha ramadaan laga wada shaqeeyo danta guud ee dalka iyo dadka, gaar ahaan sugidda amniga, horumarinta caddaaladda, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo gar-gaarka dadka danyarta ah.

Related posts

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025

Mudane Xasan Kheyre ayaa soo hadal qaaday sida ay xukuumadiisa uga go’an tahay in caqabadaha jira looga gudbo iskaashi dhex mara guud ahaan hay’adaha dawladda iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

“Caqabadaha iyo dhibaatooyinka ina horyaala waa kuwa ragaaday, dawladda kaliyana wax kama qaban karto, waxaa loo baahan yahay in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada doorkooda ka qaataan, gaar ahaan aqoonyahanada, culimada, oday-dhaqameeyada, ururada samafalka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada, taas oo looga gudbi karo marka la helo midnimo, wadanino, wadashaqeyn iyo iskaashi dhex-mara dawladda iyo shacabkeeda”

Qorshaha Xukuumadda saldhigga u ah mar uu ka hadlayey Ra’iisul Wasaruhu ayuu tilmamay in ay kamid yihiin:

1)Kow- ka-guul-gaarista xasiloonida guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo la dagaalanka nabad-diidka,
2)Labo, dhisidda iyo meel-marinta cadaalad, garsoor hufan, karti, isla xisaabtan, daah-furnaan iyo ciribtirka Musuq-maasuqa.
3)SADDEX- kobcinta dhaqaalaha si loo ballaariyo wax-soo-saarka shaqo abuurka, maalgashiga iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha kuwaas oo lagama maarmaan u ah la dagaalanka saboolnimada iyo xasiloonida darada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha abaaraha ayaa yiri:

“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse casharka aan ka baranay abaarta, wuxuu na tusayaa haddii aan isku tashano xukuumad iyo shacabba in aan ka hortagi karno aafooyinka abaaruhu keenaan. Anagoo ka duulayna mowqifka ah in aan isku tashano, waxaa noo suurto-galay: In aan gaarsiino deeqaha gurmadka dalka oo dhan, mudadaas abaartu jirta waxaa la qeybiyey lacag dhan shan million oo dollar oo si hufan u gaaray dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in la wiiqay mudo kooban argagixisada, isagoona tilmaamay in la xakameeyey qaraxyadii iyo hubkii lagu sitay caasimadda.

“Howlgalkii ugu horeeyey ee la fuliyey waxaa lagu qabtay kooxo dhagar-qabayaal ah iyo hub sharci darro ah oo loo adeegsan jiray gumaadka shacabka, waxaan ku guuleysanay in ciidamo badan xeryahoodii lagu celiyo, waxaan kaloo qaadnay jidgooyooyin sharci darro ah”ayuu yiri R.W Kheyre.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in mudadaa kooban ee ay jirtay Xukuumaddu uu dalku gaaray horumaro la taaban karo haddii ay tahay dhaqaalaha oo sara-u-kacay iyo hannaanka maaliyadda oo dib loo saxay, isla markaana la dardargeliyey kobcinta iyo maareynta ilaha dakhliga, taas oo dhalisay in uu sara u kaco dhakhliga dawladda, laguna guuleystay bixinta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda

.

Previous Post

Banaanbax lagu taageerayo dowladda oo ka dhacaya Muqdisho.

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan...

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In