Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyey Labada Guddoomiye KMG ee maanta ay doorteen Xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxaan u hambalyeynayaa labada guddoomiye ee KMG ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad iyo Aqalka Sare Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf Gaagaab. Waxaan u rajeynayaa in ay ku guuleystaan maamulka doorashada guddoonnada rasmiga ah ee labada aqal sida ugu dhaqsaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.