Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.W Sharma’arke: “Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka dareen la’aanta ah ee lala beegsaday Xerada AMISOM”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda F. Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si kulul u cambaareyey weerarkii fulaynimo ee dabley ka tirsan kooxaha Al-shabaab ay shalay ku qaadeen xerada Xalane ee ciidamadda midowga Africa ee Soomaaliya oo ku taalla Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn, Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay falkaas isagoona caafimaad u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay, wuxuna tilmaamay in kooxaha Al-shabaab marnaba ayan is hor istaagi karin hannaanka nabad ku soo dabaalidda dalka, ayna diyaar u tahay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa walaalaha AMISOM iyo buslahada Caalamka inay ka hortagaan ficillada ay gaysanayaan argagaxisadu.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

“Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka dareen la’aanta ah ee lala beegsaday xerada ciidamadda AMISOM ee muqdisho. Midowga Africa waa saaxiib aan leennahay oo gacan naga siiya sidii ay Soomaaliya markale cagaheeda isugu taagi lahayd, sidaa daraadeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ka xunyiin beegsiga xeradaas”

“Weerarkaan wuxuu na-tusayaa sida ay u wiiqan tay awoodda Argagixisada, iyagoo ku soo koobay howl galladooda is qarxin iyo weeraro naf-lacaarinimo ah. Waxaan sii wadaynaa inaan si adag u wajahno isku dayada aan ku badbaadinayno shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee dalka martida ku ah” ayuu yiri R/Wasaare Sharma’arke oo intaas raaciyay kadib Werarkaan argagaxisadu soo qaaday, dowladu in ay isku howlayso baaritaano lagu xaqiijinayo meelaha jilicsan ee argagxisadu weeararada ka soo qaadi karto iyo qaababka u sahlaya inuu dhaco weerar noocaan ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay Xukuumaddiisu in ay muhiimadda koobaad siin doonto sidii loo heli lahaa nabad waarta oo ka dhacda dalka oo dhan, si muwaadin walba ugu noolaado isagoon wax cabsi ah ka qabin kooxaha argagaxisada ee caadeystay daadinta dhiiga dadka bulshada indha hooda ah

Previous Post

Ciidanka NISA oo soo afjaray howlgalkii Xalane

Next Post

Muran u dhexeeyay Shaqaalaha iyo Cisbitaalka Deva oo xal laga gaaray

Next Post

Muran u dhexeeyay Shaqaalaha iyo Cisbitaalka Deva oo xal laga gaaray

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In