Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qayb galay Munaasabad casho sharaf ah oo maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo shirkii lixaad ugu soo gabagaboobay Muqdisho, kaas oo ay ka soo baxeen go’aamo jihaynaya mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.