Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.W. Xukuumada oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyay shirkii dhaqaale uruurinta Qaxootiga.SAWIRRO.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 24, 2015
in Wararka
0
R.W. Xukuumada oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyay shirkii dhaqaale uruurinta Qaxootiga.SAWIRRO.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

 

Muqdisho, October 24, 2015——-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib, safar ay ku tageen magaalada Brussels ee dalka Belgimka halkaasoo uu ka dhacayay kulan-weyne dhaqaallo loogu aruurinayay Qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, balse ay xanibeen duruufaha dhaqaale iyo farsamo.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Q/midoobay iyo Midowga Yurub, waxaana ka soo qeybgalay xubno matalayay in ka badan 40 dawladood, hay’addaha ku shaqada leh qaxootiga, wafdi sare oo ka socday dawladda Kenya iyo wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dhaqaale lacageed loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Xerooyinka Qaxootiga ee dalka Kenya, kuwaasoo si iskooda ah diyaar ugu ah inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, basle aan heysan dhaqaale ay dib ugu soo laabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa markii uu saaka dalka dib ugu soo laabtay, waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid muhiim ah isla markaana yabooh dhaqaale loogu sameynayay qaxootiga Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan cadeeyo, qaxootiga aan ka hadleyno ma ahan in si qoor qabad ah dalka dib loogu soo celinayo, qorshahani waa mid ballaaran oo la doonayo in la abuuro marka hore jawi leh adeeg huffan oo ay nolol wanaagsan ku heli karaan Qaxootiga soo noqda. Waxa uuna socon doonaa muddo 4 sano ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmarke oo carabka ku dhuftay in dowladda oo kaashaneysa Q/midoobay iyo Midowga Yurub ay u howlgali doonto sidii loogu diyaarin lahaa dadkaasi dib ugu soo laabanaya dalkooda goobihii iyo adeegyadii lagama maarnaanka u ahaa nolosha.

—Dhammaad—–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

IMG 8005
IMG 8013
IMG 8015
Kulanka dhaqaale uruurinta  Brusells
Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “Sawirro”

Next Post

QM oo codsatay lacag wax looga qabto roobabka Iliino oo laga baqayo inay ka da’aan waddamo Soomaaliya ay ka mid tahay

Next Post
Roobabka deyrta oo ka curtay deegaanada gobolka Mudug

QM oo codsatay lacag wax looga qabto roobabka Iliino oo laga baqayo inay ka da’aan waddamo Soomaaliya ay ka mid tahay

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In