Raโiisul Wasaaraha Xafiiska ka sii tagaya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaย Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa uga mahadceliyay Golahiisa Wasiirrada iyo howl wadeennada Xafiiska Raโiisul Wasaaraha sidii wanaagsaneyd oo ay ula shaqeeyeen iyo howlihii baaxadda lahaa oo ay dalka u soo qabteen.
Raโiis Wasaare Rooble ayaa Wasiirrada u rajeeyay mustaqbal siyaasadeed wanaagsan, isagoo kula dardaarmay in ay qof waliba intii karaankiisa ah dalka ugu adeego.
Dhanka kale Xubnihii Golaha Wasiirrada ee kulanka ka hadlay ayaa Raโiisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu u soo hoggaamiyay Kukuumadda iyo si gaar ah howlihii doorashooyinka dalka oo si guul iyo nabad ah ku soo dhamaaday.
Raโisul Wasaaraha, ayaa Ugu dambeyn shahaadooyin guddoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada Xafiiskaย Raโiisul Wasaaraha.