Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Tacsi u direy Ehellada Taliyihii Ilaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo cambaareeyay weerarka hotel ambbassidor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u direy ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Ilaalada R.Wasaaraha Gaashaanle Nuur Xasan Xakaar oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaarey Qaraxii Argagixiso ee dhawaan ka dhacay Hoteelka Dayax. Wuxuna marxuumka ALLE uga baryay in uu jannadiisa Fardowso ka waraabiyo.

Mudane Cumar ayaa sheegay in marxuumku u dhintay dhaawac ay u gaysteen kooxaha arxanka daran ee Alshahaab, isla markaana wuxuu ku sifeeyey marxuumka in mudadii ay wada shaqeynayeen ku sifoobay howlkar iyo daacadnimo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waxaan Alle uga baryaynaa in marxuumka uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno. Waxaa dishay gacan ka xaqdaran, isagoo ku jira howlaha Qaranka, waxaan rajeynayaa kuwa ka danbeeya dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed in Caddaalad la horkeeni doono”.ayuu yiri R.Wasaare Cumar.

_DHAMMAAD__

Ahmed-nur Mohamed
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

SAWIRO:- Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa oo Bandar-bayla loogu qabtay xalfad Sagootin ah.

Next Post
SAWIRO:- Madaxweynaha  Puntland iyo weftigiisa oo Bandar-bayla loogu qabtay xalfad Sagootin ah.

SAWIRO:- Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa oo Bandar-bayla loogu qabtay xalfad Sagootin ah.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In