Mudane Cumar C/rashiid, ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, isla markaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto. “Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Guulleed Maxamed Siyaad Barre. ayuu yiri R.W Cumar oo dhinaca kale si gooni ah tacsi ugu diray qoyska reer Maxamed Siyaad Barre. —DHAMAAD— Ahmed-Nur Mohamed |
Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si dhow ula socota heshiisyadii iyo qararadii laga gaaray arrimaha ciidamada Midowga Africa ee ku...