Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.Wasaare Cumar  oo Kormeer ku tagey dhismaha cusub ee Aqalka Sare-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
R.Wasaare Cumar  oo Kormeer ku tagey dhismaha cusub ee Aqalka Sare-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Aqalka sare ayaa kormeer ku tagey xafiisyo cusub oo loo diyaariyey in ay ku shaqeeyaan Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Waxana ay kormeer ku tageen qaybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha oo isgu jira Xafiisyo iyo Hoolka Shirarka.

Related posts

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 21, 2026
Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026

Dhismahan ayaa waxa uu ku yaalaa degmada Shibis, waxana dhisay Dawladda Turkiga, iyadoo loo qorsheeyey in uu noqdo xarunta ay ku shiri doonaan Aqalka ee Soomaaliya kuwaas oo horey dalkeena uga jirin.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid ayaa uga mahadceliyey dawladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida wanaagsan ee mar waliba ay u garab taagan tahay Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuna tilmaamay in dhismahani uu dabooli doono baahidii loo qabay xarun ay ku shaqeeyaan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Waxaan halkaan uga mahadcelineynaa Dawladda an walaalaha nahay ee Turkiga ee gacan buuxda naga siisay dhismaha xaruntan cusub naguna wareejisay, halkani waxay noqon doontaa dhismaha ay ku shiri doonaan Xubnaha Aqalka Sare iyo xafiisyadii ay ku shaqayn lahaayeen”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

R.Wasaaraha ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Senator Abshir Bukhaari, Senator Prof Cabdirisaaq Xasan Cismaan Juurile iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo dhammaantood ka mahadceliyey sida wanaagsan ee Dawladda Turkigu ugu wareejisay dhismahan xarunta u noqon doona Aqalka Sare ee dalka.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 2-1-2017

Next Post

Mo faarax oo ku guuleystay abaalmarinta Sir

Next Post
Mo faarax oo ku guuleystay abaalmarinta Sir

Mo faarax oo ku guuleystay abaalmarinta Sir

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 21, 2026
0

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso. Arrintan waxaa shaaciyay Liu...

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay...

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In