Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.wasaare Sharmarke Oo Xarigga Ka Jaray Dhismaha Safaradda Soomaaliya Ee Qatar.+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R.wasaare Sharmarke Oo Xarigga Ka Jaray Dhismaha Safaradda Soomaaliya Ee Qatar.+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R.wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Cumar C.rashiid Cali Sharmarke oo Isagoo ay Wehliyaan Xubno ka tirsan golaha wasiiradda xukuumadda Fadaraalka ku sugan Magaalada Dowxa Ee Dalka Qatar ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha Cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Qatar.

R.wasaaraha ayaa kormeeray Qeybaha Uu ka koobanyahay dhismaha Safaaradda oo si casri ah u dhisan, lacagta ku baxday dhismahaasina ay bixiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Ku nool dalkaasi Qatar.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

R.wasaare Sharmarke iyo Xubnaha wasiirada ee la socda oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalkaasi isaga oo warbixin ka dhageystay Enjineerka dhimahaasi Naqshadeeyay.

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiirrigalinta Maalgashiga Soomaaliya C.salaam Cumar Hadliye oo ka hadlay munaasibadda ayaa bogaadiyay Safiirka iyo Jaaliyadda Dalkaasi ayna masuuliyad iska saaraan ilaalinta Hantida Qaranka.

Mudane Cumar C.rashiid ayaa xusay in wax lagu farxo ay tahay hir galinta Dhismaha Cusub ee safaaradda Wuxuuna ku boorriyay in ay sii wadaan dadaaladda kor loogu qaadayo Hormarka Soomaaliya.

”waxan runtii u hambalyeynayaa Jaaliyadda oo safaaradan iyagaa iska leh, waxaan gaar u bogaadinayaa safiirka iyo Injineerka dhisay oo runtii shaqa aan caadi aheyn ka qabtay, waxaan kaloo bogaadinayaa Mukhtaar iyo Safaaradda shaqaalaheeda iyo intii ka qeybqaadatay, Runtii sharaf ayey noo tahay markii waxaan oo kale aan ku talaabsanay waa guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed,Hase ahaatee sida wasiirku sheegay heynteeda ayaa waxaa lagaa rabaa umadda soomaaliyeed ee inta joogta,Safiika waa dadaalay iyo Injinerka,dowladda Qatar waan ugu mahadcelinayaa sida hagar la’aanta ah ee ay u garabtaaganatahay umadda Soomaaliyeed” Sidaasina waxaa yiri R.wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar  C.rashiid oo Qudbad Dardaaran ah u jeedinayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo qeybgashay Furitaanka Dhismaha Cusub ee Saraafaradda Soomaaliya ee Dalka Qatar.

ugu dambeyn Qeybaha Kala duwan ee Bulshada Soomaalida ee Ku nool Dalkaasi Qatar ayaa si weyn u soo dhaweeyay Furitaanka Dhismahaasi Cusub ee safaaradda Soomaaliya ee Dalka Qatar.

 

IMG_1960 IMG_2008 IMG_2027 (1) IMG_2032 IMG_2048 IMG_2068

Sawir Qaade Feysal Muuse Maxamed

Wariyaha Gaarka Ee X.R.Wasaraha.

Previous Post

Everton iyo Roma oo ka Haray Koobka Europa League-ga “Sawirro”

Next Post

Kooxaha Wolfsburg,Sevilla,Clubb Brugge, Dnipro iyo Zenit oo u Soo Baxay Quarter Finalka koobka Europa League-ga

Next Post
Kooxaha Wolfsburg,Sevilla,Clubb Brugge, Dnipro iyo Zenit oo u Soo Baxay Quarter Finalka koobka Europa League-ga

Kooxaha Wolfsburg,Sevilla,Clubb Brugge, Dnipro iyo Zenit oo u Soo Baxay Quarter Finalka koobka Europa League-ga

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In