Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaaraha oo kulan la qaatay guddiga heer wasiir ee u xil saaran maareynta siyaasadda ku aadan tahriibka-Sawirro

caqiil by caqiil
August 25, 2016
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaaraha oo kulan la qaatay guddiga heer wasiir ee u xil saaran maareynta siyaasadda ku aadan tahriibka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan guddiga heerka wasiir ee u xil saaran maareeynta siyaasadda tahriibka ayaa lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ka soo qeyb galeen xubnihii ka tirsanaa guddiga heer Wasiir ee horey loogu xil saarey maareynta siyaasadda ku aadan tahriibka.

Guddigan oo ka koobnaa Wasaarada Amniga, Wasaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Caddaaladda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Maamulada kala duwan ee federaalka, iyo xafiiska ergeyga gaarka ee xafiiska Ra’iisul Waasaaraha u qaabilsan maareynta xaquuqda carruunta iyo tahriibka Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda ay muhiim u tahay in la maareeyo isla markaana siyaasad cad laga qaato dhibaatooyinka ka dhasha tahriibka.

Ra’iisal Wasaare Cumar wuxuu ka codsaday guddigan in si deg-deg ah ay u howl galiyan guddigii farsamada ahaa ee isna uu magacaabay isla maalinta la magacaabay guddiga heer Wasiir.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay in sida kaliya ee loo yareyn karo khatarta tahriibka ay tahay in lala yimaado wada shaqeyn, siiba wakhtigan kala guurka ah, sidoo kale in la wacyigeliyo dhallinyarada aaminsan in nolosha dibadda ka wanaagsan tahay midda dalkooda islamrkaana sare loo qaado tayada waxbarasho ee dalka iyo in loo abuuro shaqooyin u sahla in nolol wanaagsan ay ku noolaadaan.

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaaraha oo soo xiray shirka ayaa faray Wasiirada in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u howl galiyaan guddiga farsamo ee Wasaarad walba ay ku leedahay ee loo xil saaray howshaan si xukuumadda ay uga hortagto dhalinyarada ku hamiyeeysa tahriibka.

image1 image2 image3 image4

Previous Post

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeybgalay qalinjebinta kumanaan arday ah SAWIRO

Next Post

Wasiirka arimaha gudaha oo Suudaan kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta jaamacadda caalamiga ah ee Afrika-Sawirro

Next Post
Wasiirka arimaha gudaha oo Suudaan kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta jaamacadda caalamiga ah ee Afrika-Sawirro

Wasiirka arimaha gudaha oo Suudaan kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta jaamacadda caalamiga ah ee Afrika-Sawirro

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In