Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Ciidamada Xasilinta ku booriyay iney dardar geliyaan sugida Amniga Muqdisho+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Ciidamada Xasilinta ku booriyay iney dardar geliyaan sugida Amniga Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,Wasiirka Amniga Xukuumadda,Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa galabta booqday xarunta Ciidanka Xasilinta Caasimadda Muqdisho,waxayna kula dardaarmeen xoojinta Amniga caasimadda.

Ciidamada Xasilinta oo horay howlgalo hub ka dhigis ah uga sameeyay magaalada Muqdisho ayaa hadda Hub iyo Ciidan lagu kordhiyay si ay ulaba jibaaraan howlgalka lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda Muqdisho.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

Ugu horeyn ayaa madasha waxaa Ciidamada kula hadlay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Generaal Bashiir Cabdi Maxamed oo sheegay in muhiim ay tahay sugida Amniga,islamarkaana Ciidamada Booliska habeen kasta qaadayaabn howlgal lagu sugayo Amniga caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow oo madasha ka hadlay ayaa balan qaaday inaan laga ganban Cadowga,habeen iyo maalina u taagan yihiin sidii looga hortagi lahaa weerarada Cadowga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan ” Injineer Yariisow” oo madasha Ciidamada Xasilinta kula hadlay ayaa marka hore madaxda Qaranka uga mahad celiyay siday uga jawaabeen baaqii ahaa in Ciidamada Xasilinta Caasimadda ay ka howlgalaan meelaha ay ku dhuumanayaan Kooxaha Nabadiidka.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka gobolka Benaadir waxaan uga mahadcelinayaa madaxda qaranka ka jawaabidda baaqeenii ahaa in ciidamadda Xasilinta Caasimaddu ay ka howlgalaan meelaha ay ku dhuumanayaan kooxaha nabad-diidka ah oo la sugin inta ay dhib geysanayaan. Shacabka Gobolka Benaadir na wuxuu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo hay’adaha amniga xasilloonida magaalada”,Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shalay shir magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada laga soo saaray in la sii dardar geliyo sugida Amniga Caasimadda Muqdisho.

Wuxuuna Ciidamada Xasilinta Caasimadda ugu baaqay iney iyagoo foojigan shaqeeyaan.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dadaal ugu jira sidii ay u ciribtiri lahaayeen Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan Amni iyo Xasilooni.

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka iyo Guddoomiyaha G/Banaadir oo booqday dhaawacyada Qaraxyadii Muqdisho+Sawirro

Next Post

Maxakamada kutaala Ciraaq oo 15 haween ah oo xukun dil ah ku riday

Next Post

Maxakamada kutaala Ciraaq oo 15 haween ah oo xukun dil ah ku riday

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In