Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ku baaqay in Gurmad loo fidiyo Shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle ee Beledweyne.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
SAWIRO “Ciidanka Xoogga Dalka oo Gurmad u fidiyay Dadka fatahaada iyo Dagaalka uu ku saameeyay baladwayne”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdiaho… 23-May–2016….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinku ay ka soo gaareen fatahaadda ballaaran ee uu ka sameeyey Wabiga Shabelle ee magaalada Beledweyne iyo deegaanada ku dhow-dhow.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda F. Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabooyin deg-deg ah oo gurmad loogu fidinayo shacabka ay dhibaatadu gaartay. Wuxuna dhinaca kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata iyo beesha Caalamka in gurmad ay u fidiyaan shacabka tabaaleysan.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

“Xukuumadda Soomaaliya waxay u fidin doontaa gar-gaar shacabkii dhibaatadu gaartay, xaalad adag ayaa laga soo sheegayaa deegaanka dadka qaar kood waxa ay ka carareen guryahooda, iyaga oo aan xitaa sidan wax alaab ah kadib markii ay Biyuhu u saamixi waayeen in ay qaataan.Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka ku barokacay fatahaad oo hadda aan heysan wax hoy ah.”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Barakaca ayaa gaaray heerkiisii ugu sareeyay, waxaana jira boqollaal qoysas ah oo wali ku dhax xayiran Fatahaadda Xad-dhaafka ah ee wabigu sameeyey .Xaafadaha Xaawo-Taako iyo Kooshin ayaa ugu sii darran marka loo eego magaalada inteeda kale halkaas oo bulshadii ku dhaqnayd isaga barakaceen intooda badan. ——–DHAMMAAD

Previous Post

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyed oo Taliye Cusub u Magacaabay Galmudug “SAWIRO”

Next Post

Kulan looga hadlayay dhismaha wadada sodonka oo ka dhacay magaaladda I stanbuul ee dadka Turkiga “SAWIRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay dhismaha wadada sodonka oo ka dhacay magaaladda I stanbuul ee dadka Turkiga “SAWIRO”

Kulan looga hadlayay dhismaha wadada sodonka oo ka dhacay magaaladda I stanbuul ee dadka Turkiga "SAWIRO"

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In