Monday, November 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Mareykanka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Mareykanka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Mareykanka taasoo ay hogaamineysay Katie Wheelbarger oo ah Agaasinka Siyaasada ee aqalka sare wakiilada, arrimaha adeega Ciidamada.

Kulanka ayaa waxaa ku wehlinayay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirkiisa Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, waxaana looga hadlay arrimo khuseeya amniga dalka, gaar ahaana qorshaha ay dowladdu wado ee isku dhafka Ciidamada dowladda, iyo tababaristooda.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii tayo kordhin loogu sameyn lahaa shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda Gaashaandhigga, si loo helo shaqaale rayid isla markaana aqoon leh oo ka shaqeeya Wasaaraddan, waxayna dhanka kale balan qaadeen inay taageero ka geysan doonaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta taliska Xooga dalka iyo Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Mareykanka taakulada ay mar kasta la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabto taageero dhanka dhismaha, tayayenta iyo qalabeynta ciidamada.

“Qorshaha isku dhafka ciidamada xoogga dalka heer fiican ayuu marayaa, waxaana haatan tababaro uga soconayaan xeryo kala duwan oo ku yaala gobolada dalka, waxaana rajeyneynaa in qorshahani guuleysto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cadirashiid Sharmarke.

unnamed (1) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Midowga Afrika oo cambaareeyay weerar lagu qaaday xarun AMISOM ay ku lahaayeen Janaale

Next Post
Danjire Sidikou oo ka hadlay guulaha ay sida wada jirka ah u gaareen ciidanka AMISOM iyo ciidanka Xoogga dalka

Midowga Afrika oo cambaareeyay weerar lagu qaaday xarun AMISOM ay ku lahaayeen Janaale

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

November 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo “Ilaalinta...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

November 17, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay na-waaxiga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In