Ra’iisal wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Al-Khalid Al-Sabaax ayaa iscasilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalka Shiikh Nawaaf Al-Axmad maanta oo Arbaca ah sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Kuwayt.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wasiirro ka tirsan xukuumadda ay shalay is casilaadooda u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.
Xubno ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa hore u codsaday in ra’iisal wasaaruhu hor yimaado baarlamaanka si wax looga waydiiyo qaab dhismeedka xukuumadda.