Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW. Cumar: “ Codsiga 10 maalmood wuxuu ahaa mid ka turjumaya tixgalinta talooyinka Baarlamaanka iyo dhamaystirka Xukuumadda”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
RW. Cumar: “ Codsiga 10 maalmood wuxuu ahaa mid ka turjumaya tixgalinta talooyinka Baarlamaanka iyo dhamaystirka Xukuumadda”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 31 January, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo caawa saxaafadda la hadlay ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha Shacabka J.F.S in ay ka aqbaleen codsigiisii ahaa in 10 maalmood loogu daro waqtiga, si loo soo dhameystiro dhismaha Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay waqtiga kooban ee la siiyay in uu ku dhaqaaqi doono wadatashi uu la yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kalana uu usoo bandhigi doono Golaha Shacabka Barnaamijkii Xukuumadda oo kooban marka la horkeeno Baarlamanka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Runtii go’aankii codsiga waqti kordhintu wuxuu ahaa mid ka tarjumayay tixgelinta talooyinkii Xildhibaanada oo ahaa in la soo dhameystiro Xukuumadda. Muddadaa kooban waxaan ka shaqeyndoonaa ballaaarinta wadatashiga, abuuridda kalsoonida iyo baadi goobka aan ugu jiro in la helo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo intaas raaciyay.

“Waxaa xusid mudan iney dalka ka luntay ku dhawaad afar bilood oo waxqabadkii Xukuumadda dib-u-dhac ku yimid. Waxaa hoos u dhac ku yimid hawlihii adeegga qaranka, sida gurmadkii abaaraha, dhisiddii maamullada gobollada, dib u heshiisintii, xasilintii dalka, meel-marintii shuruucda iyo guddiyada madax-bannaan kuwaasoo fududeyn lahaa ka mira-dhalinta Hiigsiga 2016”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa tilmaamay si looga gudbo caqabadahaas in muhiim ah ay tahay in soo dhameystiro xubnaha ka dhimman Xukuumadda, iyadoo la soo xuli doono xubno ku sifoobay wadaninimo, daacadnimo, karti iyo hufnaan, wuxuuna ka codsaday Baarlamaankana in ay kalsoonidooda siiyaan marka la horkeeno Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney sii laba jibbaaraan taageerada ay siiyeen xukuumadda, iyadoo uu balan qaaday in mar-walba dareenkooda iyo shucuurtooda la tixgalinayo.

—DHAMMAAD—–
unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

Previous Post

Newcastle United oo Ka Adkaatay Kooxda Hull City “SAWIRRO”

Next Post

Kooxaha Manchester United,Tottenham,Liverpool,Stoke,Everton iyo Sunderland oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Manchester United,Tottenham,Liverpool,Stoke,Everton iyo Sunderland oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Kooxaha Manchester United,Tottenham,Liverpool,Stoke,Everton iyo Sunderland oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In