Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha oo booqday bukaano ay kamid yihiin fanaaniin caan ah-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha oo booqday bukaano ay kamid yihiin fanaaniin caan ah-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golahiisa wasiiradda ee magaacaaban ayaa  ugu horayn booqday  fananada wayn ee Soomaaliyed Saynab Xaaji  Cali Baxsan oo ka mid ah fananinta hoboladda qaranka waabari  oo qaliin loogu sameeyay xameetidda taas oo ku jirta Isbitaalka Blue  Star ee magalaadda Muqdisho.

Mudane Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa  fanaanida Seynab Xaaji Cali Baxsan   iyo  Dhakhtarka qaliinka ku sameyey ka wareystay xaaladeeda Caafimaad, isagoo    xusay in ujeeda uu ugu yimid ay tahay in uu la qaybsato xanuunka maadama ay  tahay  fanaanad qaran oo dalkaan horumarkiis a qayb wayn ku leh , waxaa  uu u rajeeyey xaafimaad deg  deg ah in alle siiyo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dhanka  kale, Ra’iisul Wasaaraha  Xukumadda Federaalka Soomaaliya, guddooomiyaha  Aqalka Sare  Cabdi Xaaji Cabdullahi , Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo  xubno ka tirsan  golaha wasiiradda  magacaban  ayaa cisbitaalka  Erdogan Ex. Digfeer ku booqaday  bukaano ay ka mid  yihiin  sii hayaha xilka wasiirka dekadaha iyo  gadiidka badda ,  Abwaan   Maxamuud  Cabduulahi   Ciise Singub ,film qaade Cabdixamiid  Karazay  oo ka tirsan  Tvga  Universal  iyo hooyadda xildhibaan  Cabdifataax Geesay.

Booqashadda ra’iisul wasaraha Kheyre  uu ugu tagay  muwaaniinta Soomaaliyeed ayaa ah sidi u ula qaybsan lahaa  xanuunka, iyo in uu  u muujiyo in dowladdu garab tagan tahay  dadkeeda xanuunsan iyo kuwo taagta daran.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo warbaahinta qaranka kula hadlay  Isbitaalka  Erdogan ayaa  dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is taageeraan  una  duceyey  inta xanuunsan in alle ka dulqaado xanuunka haya.

Previous Post

Deeq dawo ah oo la gaarsiiyay isbitaalka Baardheer-Sawirro

Next Post

Shirkii IGAD oo qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo la soo gabagebeeyay-Sawirro

Next Post
Shirkii IGAD oo qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo la soo gabagebeeyay-Sawirro

Shirkii IGAD oo qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo la soo gabagebeeyay-Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In