Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii IGAD oo qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo la soo gabagebeeyay-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Shirkii IGAD oo qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo la soo gabagebeeyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir madaxeedka wadamada geeska Afrika ee IGAD oo maanta la qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa shir guddoominayay raโ€™iisul wasaaraha dalka Ethiopia oo haya xilka meertada ah ee ururkan.

Agendaha shirkan oo ahaa wax ka qabashada xaaladda qaxootiga Soomaalida ah ee ku kala nool dalalka gobolka ayaa waxaa gabegebadii shirka laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay isla markaana ay bogaadiyeen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay u aheyd markii ugu horeysay oo shirka uu ka qeybgalo isagoo madaxweyne ah.

Sidoo kale, hogaamiyeyaasha IGAD ayaa waxaa ay u hambalyeeyeen danjire Maxamed Cabdi Afey oo dhowaan laanta qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR u xilsaaran arimaha qaxootiga Soomaalida.

Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ay isla garteen in dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalalka gobolka kuwo doonaya in ay dalkooda ku laabtaan laga caawiyo isla markaana aan la qasbin dadka qaxootiga ah.

Sidoo kale madaxda IGAD ayaa isla gartay sida ay muhiim u tahay in la dardargeliyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab maadaama dalalka IGAD intooda badan ay qeyb ka yihiin howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Raโ€™iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ahaa shir guddoonkii maanta ayaa sheegay ย in haddii la doonayo in ay wax la qabto dhibaatada qaxootiga ay tahay in xooga la saaro sidii loo xaqiijin lahaa nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Isagoona xusay in shirkan uu ku soo aaday waqtigii ugu haboonaa ee wax laga qaban karey dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah.

Raโ€™isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo la hadlayay xaalada amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay in la dagaalanka kooxda Al-shabaab ย iyo dib u soo celinta nabadda Soomaaliya.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo kamid ahaa madaxdii shirkaas ka qeybgalay oo halkaas khudbad ka jeediyay ayaa u mahadceliyay IGAD doorka nabadeynta ah ee ay ka qaadanayso Soomaaliya.

Mudane Farmajo madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale, khudbadiisa ku faahfaahiyay isla markaana si qodo dheer ugu hadlay xaaladaha abaaraha ee dalka jira iyo sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga gacan siiyo dib u dhiska heyโ€™adadeeda dowliga ah.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay horumar balaaran sameysay isla markaana loo baahan yahay in wadamada gobolka iyo guud ahaan Caalamka looga baahan yahay in ay garab istaagaan dadka iyo dowladda Soomaaliya si guulahaas la gaaray aan loo kala dhantaalin.

Shir madaxeedka galabta Nairobi lagu soo gabegebeeyay ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay madaxweniyaasha dalalka; Uganda Yoweri Museveni, Suudaanta koofureedย  Salva Kiir, Jabouti Ismaรฏl Omar Guelleh iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan Hassabo Mohamed Abdulrahman.

Previous Post

Raโ€™iisul wasaaraha oo booqday bukaano ay kamid yihiin fanaaniin caan ah-Sawirro

Next Post

Munaasabad lagu taageerayay Wasiirada Magacaaban ee Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo Khartoum ka dhacday” SAWIRO”

Next Post
Munaasabad lagu taageerayay Wasiirada Magacaaban ee Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo Khartoum ka dhacday” SAWIRO”

Munaasabad lagu taageerayay Wasiirada Magacaaban ee Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo Khartoum ka dhacday'' SAWIRO''

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH โ€œFARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMOโ€

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH โ€œFARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMOโ€

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In