Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu taageerayay Wasiirada Magacaaban ee Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo Khartoum ka dhacday” SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 26, 2017
in Wararka
0
Munaasabad lagu taageerayay Wasiirada Magacaaban ee Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo Khartoum ka dhacday” SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan taageerada loogu muujinayay dhamaan Golaha Wasiirada magacabaan si gaarana loogu taageerayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar  iyo Wasiirka Warfaafinta Eng: Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa ka dhacday hoolka xarunta Haldoor ee Magaalada Caasimadda ah ee Khartoum.

Munaasabadaas oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Lataliyaha Koowaad ee Safaaradda Abuukar Boston, Uqaybsanaha Warfaafinta Fiidow Maxamuud Fiidow, Xoghayaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan Cabdiwali Xasan Xuseen Fadiilatu iyo madaxda ururada kala duwan ee Dalka Suudaan ka jira.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Kulankaas ayaa lagu taageeray labada Wasiir oo lasheegay in ay yihiin dad howlkar ah oo shaqada loo idmaday kasoo bixi kara, iska mar ahaantaana loogu baaqay Baarlamanka Soomaaliya in uu ansaxiyo Golaha Wasiirada uu magacaabay Raysul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Cabdiwali Fadiilatu, Fardowso Qorane, Juweeriya, Nuux Cali Dheere, Inshaar Cabdijaliil iyo kuwa kale oo badan oo munaasabad qudbado ka jeediyay ayaa bogaadiyay  in labadan Wasiir loo magacaabo xilalka kala ah Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta ayna yihiin dad lagu maleenayo in ay xilkaas kasoo bixi karaan.

Dhanka Safaaradda oo ay goobjoog ka ahaayeen Abukar Boston iyo Fiidow Maxamuud ayaa iyagana ugu baaqay Baarlamaanka in waqti kale shacabka Soomaaliyeed uga dhumin soo xulis wasiiro kale ee kuwan hada lasoo magacaabay la ansaxiyo si howlaha qaran ee dhiman loo qabto.

Munaasabadaas ayaa waxaa ay kusoo dhamaatay si heersare ah oo qaab fiican u dhacday.

?
?
?
?
?

 

 

Previous Post

Shirkii IGAD oo qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo la soo gabagebeeyay-Sawirro

Next Post

Munaasabad lagu Sagootiyay Safiirrada Midowga Afrika oo ka dhacday Muqdisho

Next Post
Munaasabad lagu Sagootiyay Safiirrada Midowga Afrika oo ka dhacday Muqdisho

Munaasabad lagu Sagootiyay Safiirrada Midowga Afrika oo ka dhacday Muqdisho

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In