Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha oo furey imtixaanka dugsiyada sare-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha oo furey imtixaanka dugsiyada sare-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 23 kun  arday  oo  dhameysay waxbarashadda dugsiyada  sare ee dalka ayaa   maanta u fadhiistay imtixaanka shahaaadiga, iyadoo  si rasmi ah uga furay  magaaladda Muqdisho ra’iisul wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya   Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo wasiirka waxbarashadda  dalka iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullahi Xaamud.

Wasaaradda waxbarashadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqaysay ama hirgalisay  qaadista imtixanka   dugsiga sare  ee sanadka dugsiyaadka 2016-2017, waxaana imtixaanka uu ka dhacaya 77 xarumood oo ku kala yaala gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Related posts

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya oo dugsiga 15 May ee degmada Warta nabadda oo kamid ah meelaha imtixaanka lagu qaadayo booqdey ayaa dhamaan mid mid u salaamay ardayda ka qayb galaysa imtixaanka, isagoo ku dhiri galinayey in ay  ka dhabeyaan hadafka ah in ay ku guuleystaan imtixaanka iyo guud ahaan waxbarashada.

Wasiirka  waxbarashadda ee xukumadda Soomaaliya  Dr. Cabdiraxmaan Daahir  Cismaan, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadda ay sharaf weyn u tahay qaadista imtixaankan.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, oo la hadlay  ardayga galisa imxitaanka  ayaa  xusay in ay ardaydani ay  tusaale  u yihiin in dalkeenu uu leeyahay mustaqbal wanaagsan wax barashadduna ya horseed  u tahay  horumarka dalka.

“Maanta waa maalin ahmiyad weyn leh runtii in 27 kun oo arday laga soo bilaabo dowlad goboleedka Puntland iyo Jubaland inta u dhaxeysa  in 27 kun oo arday Soomaaliyeed galayaan imtixaanka dugsiga sare, waa tilmaan muujineysa in dalkeenu uu leeyahay rajo wanaagsan,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, imtixaanka dugsiga sare ayaa maanta ka bilowday magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Beled weyn, Cadaado, Gaalkacyo iyo kuwo kale.

Previous Post

23 kun oo arday oo maanta u fadhiisatay imtixaanka dusgiga sare

Next Post

Wasiirka dastuurka oo Nairobi kula kulmay beesha caalamka-Sawirro

Next Post
Wasiirka dastuurka oo Nairobi kula kulmay beesha caalamka-Sawirro

Wasiirka dastuurka oo Nairobi kula kulmay beesha caalamka-Sawirro

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In