Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha oo ka tacsiyeeyey geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha oo ka tacsiyeeyey geerida  Eng. Maxamed Cumar Saalixi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka XFS ayaa tacsi u diray qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida Allaha ha u naxariistee Eng.Maxamed Cumar Saalixi.

Eng. Saalixi wuxuu ahaa udub dhexaadka kooxda difaaca baddeenna ee dacwaddeedu hortaallo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee Hague, waxa uu ahaa aqoon yahan iyo khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha khariidooyinka, cabbirrada dhulka iyo culuumta badaha (Geodesy).

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026

Allaha u naxariistee marxuumku waxa uu dalkiisa ugu soo adeegay si hagar la’aan ah, waxaana si gaar ah loogu xusuusan doonaa kaalintiisii difaaca baddeenna, isagoo door muuqda ku lahaa heerarkii ay soo martay dacwadda baddeenna ee dhex taalla Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan uu ka siiyo.

Previous Post

Taliban oo dagaal kula jirto mucaarad hubeysan oo ka jira Afghanistan

Next Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In