Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.wasaare Sharma’arke oo Dhagax Dhigay Dib u Dhiska Safaarada Soomaliya Ee Kenya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R.wasaare Sharma’arke oo Dhagax Dhigay Dib u Dhiska Safaarada Soomaliya Ee Kenya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta si wada jir ah u dhagax Dhigay dib u dhis lagu sameynayo safaaradii ay dowlada Soomaaliya ku Lahayd deegaanka Weslands ee magaalada Nairobi.

Dhax Dhigga safaarada ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Qunsulka Safaarada Cali Maxamed Shiikh Cali(Begadi) ganacsato iyo waxgarad.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Fatxudiin Cali Maxamed oo ah madaxa gudiga ganacsatada Soomaaliyeed ee dib u dhiska ku sameynayo safaarada ayaa sheegay in ay garteen in ay dib u dhisaan safaarada oo ah guriga shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalkani Kenya.

Fatxudiin ayaa sheegay in din u dhiska safaarada ay ku baxeyso lacag dhan hal Milyan oo doolar,waxana uu sheegay in dhismaha safaarada lagu soo gabagabeyn doono mudi afar bilood ah,shacabka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan.

Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahad celiyay safiirkii ka horeeyay Maxamed Cali Nuur Ameriko iyo shaqaalaha safaarada oo dadaal dheer dib ku guuleystay dib u soo celinta safaarada oo in mudo ah uu haystay nin u dhashay dalka Hindiya.

Danjire Jamaal ayaa sheegay in dhismaha safaarada ay u saareen gudi ganacsato ah oo bilaabaya dib u dhiskeeda,waxanauu  shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska safaarada.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa u mahad celiyay dadkii soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay dib u soo celinta safaarada,waxana shacabka soomaaliyeed uu ugu baaqay in gacan ka geystaan sidii safaaradan dib loogu dhisi lahaa.

Ganacsatadii Soomaaliyeed ee ka soo qeyb gashay dhagax dhigga safaarada ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dib u dhiska safaarada.

Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in gurigan ay leedahay ummada Soomaaliyeed,iyadana loogu adeegayo,waxana uu u mahad celiyay ganacsatadii uruurisay lacagta lagu bilaabayo dhismaha safaarada,isagoo ugu baaqay ganacsatada kale in ay ka qeyb qaatan.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in xukuumada uu madaxda ka yahay ay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska safaarada.

Danjirihii hore ee dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalkani Kenya Maxamed Cali Nuur Ameriko iyo shaqaalaha Safaarada ayaa dhamaadkii sanadkii 2010 ku guuleystay in gacanta dowlada Soomaaliya uu ku soo celiyo safaaradan oo in mudo ah uu haystay nin u dhashay dalka Hindiya.

IMG_5588IMG_5590IMG_5591IMG_5592IMG_5593IMG_5596IMG_5597IMG_5601IMG_5602IMG_5605IMG_5607IMG_5609IMG_5610IMG_5611IMG_5612IMG_5614IMG_5615IMG_5616IMG_5617IMG_5620IMG_5621IMG_5622IMG_5623IMG_5624IMG_5627IMG_5628IMG_5630IMG_5631IMG_5632IMG_5633IMG_5634IMG_5638IMG_5639IMG_5640IMG_5642IMG_5643IMG_5644IMG_5647IMG_5648IMG_5653IMG_5657IMG_5661IMG_5671IMG_5701IMG_5702IMG_5714

Previous Post

Xilibaan Maxamed Axmed Gurxan Oo U Geeriyooday Dawac Maanta Muqdisho Loogu Geystay

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In