Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Djibouti

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Djibouti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Djibouti, Khamiis 12 March 2015 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta booqday xarunta cusub ee Baarlamanka Djibouti ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti Mudane, Maxamed Cali Xumad iyo qaar ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka isagoo kala hadlay xiriirka labada dawladood ee walaalaha ah iyo gaar ahaan wada shaqaynta xoogan ee ka dhaxaysa labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Djibouti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee dalka Djibouti,Mudane Maxamed Cali Xumad xilka loo magacaabay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in uu uga tacsiyaynayo Dawladda iyo Shacabka Djibouti geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Idriss Arnaoud Ali, Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka dalka Djibouti.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaare Cumar cabdirashiid waxaa uu yiri: “Farxad ayay ii tahay maanta in aan soo booqdo dhismaha cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay. Waxaa jira guddiyo baarlamaan oo ka tirsan labada dal, kuwaasi oo si xoogan uga shaqeeya in wada-shaqayn buuxda ay yeeshaan mudanayaasha baarlamanka isla markaana ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibrado loogu adeegayo shacabka labada dal.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Baarlamanka iyo Shacabka Djibouti taageerada ciidan ee ay u fidiyeen dalka Soomaaliya. Dawladda iyo Shacabka Djibouti waxaa mar walba ay la garab taagnaayeen Soomaaliya taageero hiil iyo hooba leh tan iyo shirkii dib-u-heshiisiinta carta ee dawladda Djibouti ay martigalisay, waana sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada u dhaxeeya labada dal”.

—DHAMAAD—

Previous Post

Weerar Kooxda UGUS ay Ku Qaadeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Ee Beydhabo Oo Ciidamada ay Fashiliyeen

Next Post

Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Next Post
Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In