Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Djibouti

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Djibouti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Djibouti, Khamiis 12 March 2015 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta booqday xarunta cusub ee Baarlamanka Djibouti ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti Mudane, Maxamed Cali Xumad iyo qaar ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka isagoo kala hadlay xiriirka labada dawladood ee walaalaha ah iyo gaar ahaan wada shaqaynta xoogan ee ka dhaxaysa labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Djibouti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee dalka Djibouti,Mudane Maxamed Cali Xumad xilka loo magacaabay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in uu uga tacsiyaynayo Dawladda iyo Shacabka Djibouti geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Idriss Arnaoud Ali, Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka dalka Djibouti.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Ra’iisul Wasaare Cumar cabdirashiid waxaa uu yiri: “Farxad ayay ii tahay maanta in aan soo booqdo dhismaha cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay. Waxaa jira guddiyo baarlamaan oo ka tirsan labada dal, kuwaasi oo si xoogan uga shaqeeya in wada-shaqayn buuxda ay yeeshaan mudanayaasha baarlamanka isla markaana ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibrado loogu adeegayo shacabka labada dal.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Baarlamanka iyo Shacabka Djibouti taageerada ciidan ee ay u fidiyeen dalka Soomaaliya. Dawladda iyo Shacabka Djibouti waxaa mar walba ay la garab taagnaayeen Soomaaliya taageero hiil iyo hooba leh tan iyo shirkii dib-u-heshiisiinta carta ee dawladda Djibouti ay martigalisay, waana sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada u dhaxeeya labada dal”.

—DHAMAAD—

Previous Post

Weerar Kooxda UGUS ay Ku Qaadeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Ee Beydhabo Oo Ciidamada ay Fashiliyeen

Next Post

Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Next Post
Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In