Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane, Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yusuf Xuseen Jimcaale, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.
Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Baydho kaga qeybgeli doona shirka Golaha Wadataashiga Qaranka.