Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo machadkani in uu soo saari doono khubaro Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaata horumarinta wax soo saarka beeraha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in beeruhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidoo kalena muhiimad weyn u leeyihiin horumarinta bulshooyinka dunida oo dhan. Isaga oo carrabka ku adkeeyey in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta koowaad siinayso kordhinta wax soo saarka gudaha, maadaama uu caalamku wajahayo cabsi ku saabsan cunno yaraan, taas oo waddamo badan ku qasabtay in ay joojiyaan dhoofinta dalagyadooda.

Related posts

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026
Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

January 26, 2026

“Dhulkeennu waa mid aad ugu habboon beerista oo leh biyo ku filan, waxaan nahay dal isku filnaan kara haddii la horumariyo wax soo saarka beeraha. Xukuumaddana waxaa ka go’an in ay xoogga saarto kobcinta dhaqaale ku saleysan beeraha iyo xoolaha. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dadaalka ay ugu jirto abaabulka beeraleyda iyo iskaashatooyinka, ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta iyo aqoontooda, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay dib u eegaan maalgashiyadooda, isla markaana ku dhiirradan in ay maal geliyaan wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha oo uu sheegay in ay leeyihiin fursado dhaqaale oo ballaaran.

“Soomaaliya waxa ay ku taallaa goob istaraatiji ah oo dunida oo idil muhiim u ah, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah in ay dalkeenna maalgashadaan, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

 

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Madaxda Hay’adda SoDMA

Next Post

Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

Next Post
Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad...

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

January 26, 2026
0

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa bogaadiyey isbeddelka amni ee laga...

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In